Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay in ka badan 10-ruux oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray qarax ka dhacay maanta duhurkii waddada Maka Al-mukarama ee Muqdisho, iyadoo la sheegay in qaraxan ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay waddada dhinaceeda.
Wararka ayaa sheegaya...
Askari ka tirsan ciidamada dowladda Somalia ayaa ku geeriyooday maanta deegaanka Tre-disho ee duleedka Muqdisho, kaddib markii mid ka mid ah gaadiidka dagaalka ee ay iscimaalaan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM uu jiiray.
Wararka ayaa intaas ku daraya in askarigan dhintay uu ka dhacay gaari ay ka mid ah kuwa...
Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta kulan kula yeeshay Muqdisho wakiilka ururka Midowga Afrika ee arrimaha Somalia, danjire Francisco Caetano Jose Madeira.
Xasan Sheekh iyo Francisco Caetano ayaa ka wadahadlay hawlaha AMISOM ee Somalia, guulaha la gaaray, caqabadaha u baahan in laga gudbo iyo in la xoojiyo xiriirka iyo...
ALLAHA u raxmadee taliyihii ciidanka Birmadka Somaliland Aadan Guuleed Daahir ayaa maanta waxaa toogasho ku dilay askari ka tirsanaa ciidankiisa, kaddib markii taliyuhu amar uu siiyay u hoggaansami waayey, uuna ku furay taliyihiisa rasaas sababtay dhimashadiisa.
Askariga oo aan la garanayn sababta uu rasaasta ugu furay taliyahiisa, ayaa waxay...
Ismaaciil Cumar Geele m/weynaha dalka Jabuuti oo mucaaradka ku eedeeyey in ay dalka fawdo ku wadaan.
Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku eedeeyay mucaaradka dalkiisa inay dalka u horseedayaan fowdo, isagoo difaacay go’aanka uu mar afaraad isku sharaxayo hoggaanka dalkiisa.
Geelle oo maanta BBC-da la hadlay ayaa sheegay in mucaaradka dalkiisa inay doonayaan inay ku dhaqmaan sida mucaaradka kale ee dunida, taasoo ah inay kiciyaan...
Wafdiga dowladda Somalia ee ku sugan degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa maanta kormeer ku tagay goobihii la dajiyay maleeshiyaadkii dhawaan ku diriray xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne.
Wafdiga oo sidoo kale kormeerkooda ku wehlinayay waxgarad iyo odayaal dhaqameed ku howlanaa dhinacooda sidii loo joojin lahaa colaadda labada beelood,...
Qaar kamid ah salaadiinta maamulka Jubbaland oo maanta kulan isugu yimid ayaa si weyn uga soo hor-jeestay hab raaca 4.5-ka oo kamid ah nidaamyada ay Soomaalidu wax ku qaybsato, iyagoo sheegay in nidaamkaasi yahay mid aan xilligaan loo baahnayn.
Wax-garadkaan ayaa sheegay inaan xilligaan loo baahnayn in dib loogu laabto...
Degmada Ceelbuur oo ka tirsan gobolka Galguduud ayaa waxaa ka jirta xaalad adag oo dhanka nolosha ah, iyadoo dadkii ku noolaa degmadaas ay weli barakac uga maqan yihiin.
Magaalada Ceel-buur oo 100-km dhanka Bari kaga beegan degmada Dhuuso-mareeb oo ah xarunta gobolka Galguduud ayaa waxaa Al-shabaab lagala wareegay 26-kii Maarso...
Sagaal musharrax oo ku tartamaya sidii ay u noqon lahaayeen qofka Xisbiga Jamhuuriga ee waddanka Mareykanka u meteli lahaa doorashada madaxnimo ee dalkaas ka dhici doonta sannadka soo socda ee 2016-ka; ayaa waxay xalay dhexmartay dood kulul oo diiradda lagu saaray amniga Qaranka.
Dooddan ayaa diiradda lagu saaray baaqii murashax...
Wasiirka Amniga Xukuumadda Somalia, C/risaaq Cumar Maxamed oo ka mid ah wafdi ka socda dowladda federaalka Somalia iyo maamul-gobolleedka Galmudug oo shalay soo gaaray magaalada Beledweyne, ayaa maanta kulan la yeeshay waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan.
Wafdiga ka socda DFS ayaa ku guuleystay maanta inay kala qaadaan maleeshiyadii isku...


















