Ra'iisul Wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa Maanta qado-sharaf u sameeyey cayaartoydii 11-jirada oo ku metelayay Qaranka Somalia Tartankii Jeem Cup ee lagu qabtay Qadar. Iyadoo ku Bogaadiyay sida ay uga dhex-muuqdeen cayaaraha iyo guulihii ay gaareen intii ay Cayaaruhu Socdeen.
Sharma’arke, ayaa u Mahad-celiyay Maamulka Iskuulka cayaartoydaani ay ka...
Xukuumadda Washington ayaa Somalia, Yemen iyo Liibiya ku dartay liiska waddamada walaaca laga qabo, marka la eego Ogolaashaha in Dal-ku-gal la’aan Mareyanka lagu geli karo.
Qaybta Amaanka Gudaha Mareykanka, ayaa ku dhawaaqday Tallaabadaan Maanta, iyadoo sheegtay in dadka Dalalkaan u dhashay ay ku adkeyn doonto in la siiyo Viso...
Waxaa goor dhaw garoonka diyaaradaha degmada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan kasoo dagay wafdi uu horkacayo Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max'uud.
Wafdiga oo ka kooban labada gole ee Dowladda Federaalka Somalia ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Beledweyne kusoo dhaweeyay Mas'uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan ee Heer Gobol iyo Heer Degmo, saraakiisha ciidanka...
Xaflad ballaaran oo ay ka Qayb-galeen Madax ka kala socda Bangiga Horumarinta Islaamka, Ururka Iskaashiga Islaamka, Wakiillo ka socda Hay’ado Deeq-bixiyaal ah oo Fadhigoodu yahay Sucuudiga iyo Ganacsato; ayaa Hay’adda Zamzam lagu guddoonsiiyay SHAHAADADA TAYADA IYO MAAMUL WANAAGGA EE CAALAMIGA AH OO LOO YAQAANNO; ISO 9001:2008.
Munaasabadan oo Isniintii 15-kii...
Cod-bixintii Doorashada Dalka Uganda oo ay ahayd in lasoo gaba-gabeeyo 4:00 Galabnimo ee manta ayaa waxay guddiga doorashada dalkaas ay ku sheegeen hadal ay warbaahinta siiyeen in illaa caawa 7:00 Fiidnimo ay socon doonto doorashada, Maadaama meelaha qaarkood ay dib uga dhacday codeynta xillligii loo Qorsheeyay in codeyntu billaabato,...
Ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa maanta xusay Sannad-guuradii 46-aad ee kasoo wareegtay markii la aasaasay, Waxaana xafladda Xuskan ka Qayb-galay RW Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka iyo saraakiisha ciidamada Soomaaliya.
RW Soomaaliya oo hadal ka jeediyay Xafladda ayaa Hoggaanka iyo Ciidamada Asluubta...
Ciidanka Kenya ayaa sheegay Maanta oo Khamiis ah inay duqeyn cirka ah oo ay ka fuliyeen Koonfurta Soomaaliya ay ku Dileen Taliyhii Sir-doonka Al-shabaab iyo Saraakiil kale, Inkastoo Al-shabaab ay beenisay Warkan Maanta ka soo baxay Dowladda Kenya.
Sarkaal ka tirsan ciidanka Kenya oo la hadlay AFP ayaa sheegay in...
Guddiga Doorashooyinka Qaranka Dalkaa Uganda ayaa sheegay Arbacada Maanta ah inay Rajeynayaan in Doorashada Baarlamaanka iyo tan Madaxweynenimada ee dalkaas ay Khamiista berri ah ku dhici doonaan si Nabad-galyo ah. Khamiista Berri ah, ayaa lagu wadaa in Shacabka Uganda ay u dareeraan goobaha codadka lagu Cod-bixinta, si ay u...
Taliyaha Guud ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Jen Max'ed Sheekh Xassan Xaamud ayaa maanta ka qeyb-galay munaasabad gaadiid loogu wareejinayay taliska booliiska gobolka Hiiraan oo lagu qabtay magaalada Beledweyne.
Munaasabada oo lagu qabtay xarunta taliska AMISOM ee gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale, Waxaa ka Qayb-galay, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed...
Warar ay baahiyeen Warbaahinta Calaamka qaar ka mid ah Arbacada Maanta ah ayaa lagu Shaaciyay in Ruuxa looga Shakisan yahay inuu isku Qarxiyay 02-dii bishan Feberaayo, Diyaaraddii DAALLO Airlines uu ahaa Macallin Dugsi Islaami ah oo ku yaalla Magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland.
Qoraal ay Baahisay Wakaaladda AP ayaa lagu sheegay...


















