Madaxwaynihii Hore ee Maraykanka, George W. Bush ayaa billaabay Olole uu ku Xoojinayo Walaalkiis ka yar Jeb Bush oo ah Murashax u taagan inuu u tartamo dhamaadka Sannadkan 2016-ka doorashada madaxnimo ee Wadanka Mareykanka, isagoo ka socda Xisbiga Jamhuuriga ah ee Mareykanka.
George W. Bush ayaa la kulmay dad caan ah, isagoo...
Shacabka dalka Uganda ayaa waxay Khamiista soo socota ee Toddobaadkan u dareeri doona Doorashada Madaxweynaha ee dalkooda ka dhici doonta, Taasoo ay ku Tartamayaan Siddeed Murashax oo uu ka mid yahay Madaxweynaha talada haya Museveni, ayna ku jirto Haweeney.
Musharaxiinta dalka Uganda ayaa maanta soo gaba-gabeynaya ololahooda doorashada iyo Dibad-baxyada...
Xog-hayihii hore ee Qaramada Midoobay, Boutros Boutros-Ghali, ayaa maanta ku geeriyooday Magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar, sida uu sheegay Madaxa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Boutros-Ghali oo 93-jir ahaa ayaa waxaa tan iyo Toddobaadkii hore uu ku jiray Isbitaal ku yaalla Magaalada Qaahira halkaasoo loo daweynayay xanuun lasoo darsay....
Baarlamaanka Soomalia ayaa waxaa la hor-geynayaa maanta qodobbo ka tirsan dastuurka dalka oo wax ka bedel lagu sameeyay, iyadoo kulanka baarlmaaanka oo ah mid aan caadi ahayn ay ka qaybgeli doonaan mas’uuliyiin kala duwan oo dowladda ka tirsan.
Kulankan lagu soo bandhigayo wax ka bedelka dastuurka qabyada ah ee dalka...
Xarunta Irshaad ee Aragti-is-dhaafsiga ayaa Maanta ku Qabatay Hoteelka SYL ee Muqdisho Aqoon-is-weydaarsi ku Saabsanaa Wacyi-galinta bulshada Soomaaliyeed, iyadoo la isku dhaafsaday dood ku saabsan dhex-dhaxaadnimada iyo kaalinta ay ku leedahay xakamaynta ku talax-tagidda Diimeed.
Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay agaasimaha guud ee wasaarada Ow-qaafta iyo Arrimaha Diinta Somalia, Sheekh...
Warbixin cusub oo laga Qoray Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM aysan difaacin dadka rayidka ah ee la shaqeeya.
Hay’adda Saferworld oo Warbixinta baahisay ayaa sheegtay in ka bixitaanka isaga baxeen ciidamada AMISOM Magaalooyinka Somalia Qaarkood ay khatar geysay Amniga Dadka ay wada-shaqayntu kala dhexeysay AMISOM...
Muxyadiin Maxamed Xaaji Ibraahim oo soo noqday Wasiirkii Gaashaandhigga Xukuumaddii RW Nuur Cadde, haddana ka mid ahaa xubnaha sar-sare ee Xisbiga Kulan ayaa lagu dilay maanta qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho. Qaraxan oo ka dhacay agagaarka isgoyska Lambar Afar ee Muqdisho, gaar ahaan meel ku dhow dhismaha Safaaradda Turkiga...
Baaris madaxbanaan oo Warbaahinta Waagacusub iyo Khubaro Mareykan ah ku sameeyeen qaraxii lala beegsaday Daallo Airlines ayaa shaaca ka qaaday ninka qaraxa geeystay halkii laga soo diray,halkii uu baasaboorka uu watay ka goostay,halka looga soo jaray Ticket-ka uu watay,dalalkii ugu qornaa inuu booqdo,cidda u keentay Laptop-kii qaraxa ku rakibnaa,kursiga...
Xilli lagu Wado inay Toddobaadkan ka dhaco Dalka Uganda Doorashada Madaxweyenimada oo ay ku Tartamayaan Siddeed Murashax oo midi ay tahay Haweeney tahay ayaa waxaa xalay dhex-martay Dood Kulul oo ay inteeda badan uga hadleen Ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya.
Murashaxiintan oo dooddoodu ka baxaysay Telefisihinka ayaa ahayd middii...
Ciidamada Cirka Soomaaliya ayaa Maanta u Dabaal-dagay Sannad-guuradii 56-aad ee kasoo Wareegtay markii la Aasaasay, waxaana Xafladda Dabaal-dagga ka qayb-galay RW ku xigeenka Somalia Maxamed Cumar Carte & Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini.
RW ku xigeenka Soomaaliya oo Hadal ka jeediyay Munaasabadda, ayaa u si gaar ah...


















