Kalfadhigii 8’aad ee barlamaanka dawladda federalka soomaaliya oo dib u dhac ku yimid.

0
568

Axadda Maanta ah oo la filayay inuu Muqdisho ka furmo Kal-fadhigii 8-aad ee Baarlamaanka Federaalka Somalia, ayaa waxaa ku yimid dib u dhac, kaddib markii Madaxweynaha Somalia oo furi lahaa – uu ku mashquulay furitaanka Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka 2016-ka.

Guddoomiyaha baarlaamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa xildhibaannada baarlamaanka Somalia in kal-fadhiga 8-aad maanta uusan furmi karin, isagoo xusay in Madaxweynaha Somalia oo furi lahaa uu shir kale ku mashquulsan yahay.

Jawaari ayaa kulanka ka sheegay in kal-fadhigan uu si rasmi ah u furmayo Isniinta berri ah, isagoo xildhibaannada Baarlamaanka Somalia ku wargeliyay in ay 9:00 aroornimo ee berri soo xaadiraan, si kal-fadhigan loo furo.

Sidoo kale, Xiritaanka Kal-fadhigyada Baarlamaanka Federaalka Somalia ayaa waxaa xira Madaxweynaha Somalia, iyadoo furitaanka kal-fadhi walbana uu sharcigu qabo in uu furo madaxweynaha taasoo lagu sheegay inay tahay sababtii dib u dhaca ku keentay kal-fadhigii maanta furmi lahaa.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furi lahaa kal-fadhiga 8-aad ee Baarlamaanka FS ayaa Muqdisho ka furay Madal looga tashanayo Doorashooyinka dalka ka dhici doona sannadkan 2016-ka daba-yaaqadiisa.

Ugu dambeyn, Kal-fadhiggan Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ah kii ugu dambeeyay ee uu yeelanayo Muddadii uu jiray, Waxaana guddoonka baarlamaanku ay horay u sheegeen inay horyaallaan hawlo-badan oo ay ka mid yihiin Ansixinta sharciyo hor-yaalla xildhibaannada Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

beco2