Monday, August 3, 2026
Muwaadiniin Somali ah oo tiradoodu ahayd toddoba qof uguna xirnaa Dalka Kenya Burcad-badeednimo muddo toddoba sano ah ayaa dib loogu soo celiyay Somalia, waxaana goobjoog ka ahaa sii-dayntooda danjiraha Soomaaliya u farahiya dalka Kenya, Jamaal Maxamed Xasan. Toddobadan qof ee Soomaalid ah ayaa ku xirnaa muddadaas sannadaha ah xabsi ku...
Ugu yaraan afar qof oo ay ku jiraan dad shacab ah ayaa ku dhintay, tiro ka badan 10 qof oo kale oo ay askar Itoobiyaan ahi ku jireena waxaa  kasoo gaaray dhaawacyo qaraxyo badan oo maanta ka dhacay gudaha Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo. Dadka ku dhintay Qaraxyadii manta ayaa...
Kulan Xal loogu Raadinayay xiisad salka ku haysa dhul-daaqsimeed ku yaalla duleedka Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, kaasoo dhawaan maamulka Puntland ka sameeyeen Koontarool. Shirkaan oo ka dhacay Tuuladda Buura-wadal oo Magaalada Garoowe Waqooyiga ka xigta 30-km, ayaa waxaa ka Qayb-galay Mas'uuliyiin ka socday maamulka Puntland, Wax-garad iyo madax-dhaqameed, kuwaasoo...
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari ayaa maanta rasmi ahaan u xiray Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Somalia. Jawaari ayaa xiritaankii kal-fadhiga ka sheegay in baarlamaanka Somalia uu soo shaqeeyay dhawr bilood ayna ansixiyeen sharciyo badan oo muhiim ah, isagoo xusay in kal-fadhigaan ay qabteen howlo badan, balse kalfadhiga soo...
Madaxweynaha Dalka Woqooyiga Kuuriya Kim Jong-Un, ayaa Millateriga Dalkiisa ku amray inay isku diyaariyaan Adeegsiga Hubka halista ah ee Nuclear-ka xilli kastaa oo loo baahdo. Wakaaladda Wararka North Korea ayaa baahisay in Hoggaamiyaha dalkaas, Kim Jong-Un, uu sheegay in millatariga dalkaasi ay tahay inay isku diyaariyaan sidii ay u qaadi...
Taliyaha ciidanka booliiska gobolka Banaadir, Jen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab), ayaa sheegay in Falalka Amaan-darrada ah ee ka dhaca Muqdisho aanay ahayn cidda fulinaysa Al-shabaab oo keliya, laakiin ay jiraan dad kale oo si xun wax ku raadinaya. Jen. Cali Gaab, ayaa sidoo kale Xusay in Duqeymaha mararka qaarkood...
Dowladda Somalia ayaa sheegtay inay dadaal ugu jirto sidii ay uga mid noqon lahayd Ururka ay ku bahoobeen Dalalka Bariga Afirka ee EAC-da, kaas oo dhawaan ay ka mid noqotay Xukuumadda Suudaanta Koonfureed, laakiin Somalia aan loo ogolaan inay ka mid noqoto Ururkaan. Qunsulka Safaarada Somalia ee Tanzania ahna ku-simaha...
Kulanka Baarlamaanada Afrika oo looga dooday warbixin ay soo diyaarisay Waaxda Ururka Midowga Afrika u qaabilsan Arrimaha Nabadgalyada iyo Amniga ayaa lagu sheegay in weerarro joogto ah ay Sannadkan kooxaha Argagixisada ah ku qaadeen Saldhigyada ciidamada Nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya, iyadoo dhanka kalena qaraxyo lala...
Inta la og-yahay 11-qof oo rayid ah ayay dhaawacyo ka soo gaareen Hoobiyeyaal Xalay lagu duqeeyay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo aan la sheegin cid ku geeriyootay duqeyntan. Degmada Afgooye oo 30-km u jirta magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa maamusha dowladda Soomaaliya, inkatsoo Deegaannno ku dhow-dhow...
Wafdigan oo uu hoggaaminayay wasiirka difaaca DF Soomaaliya, Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini islamarkaana ay qeyb ka ahaayeen siyaasiyiin si weyn uga soo horjeeday maamulka Jubbaland, Mudda dheerna ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo. Wafdigaan ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay madaxweeyne ku xigeenka koowaad...