Ugu yaraan laba Ruux oo mid ka mid ah uu ahaa Qofkii fuliyay qaraxa ayaa ku dhintay, afar qof oo kalena way ku dhaawacmeen, Qarax maanta ka dhacay gudaha Baar lagu magaaabo The Village oo ku taalla guriga hooyooyinka oo kasoo horjeeda Tiyaatarkii hore ee Muqdisho ku dhow.
Qaraxan ayaan...
Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa Maanta oo Jimco ah sheegay inuu markii saddexaad u tartamayo xilka madaxnimo ee dalkiisa, kaddib isbedel lagu sameeyay dastuurka Rwanda.
Isbedelka lagu sameeyay dastuurka Rwanda ayaa wuxuu u ogolaanaya inuu mar saddexaad xilka u tartamo madaxweyne Kagame, iyadoo shacabka dalkaas ay bishii lasoo dhaafay afti...
Hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Somalia ayaa sheegtay inay xalay fashilisay weerar ay xoogag ka tirsan Al-shabaab doonayeen inay ku qaadaan Xeralada Xalane oo ay deggen yihiin Ciidamada AMISOM iyo qaar ka mid ah dublamaasiyiinta shisheeyaha ee Muqdisho ku sugan.
Nabadsugidda Somalia ayaa sheegay in ciidamada ammaanka oo ka war-heley...
Dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee Somaliland oo dhan ka dhacay ayaa warbixin idin kaga diyaarinay, waxaana kusoo qaadanaynaa 12-kii bilood ee Sannadkii dhamaaday arrimihii ugu muhiimsanaa ee lagu xasuusan doonnno.
Inta badan dhacdooyinkii ugu Waa-weynaa waxa ka mid ahaa khilaafyaddii Siyaasadda ee ka dhacay oo ay ugu weynayd dhacdadii gudoomiyaha golaha...
Dib u eegid lagu sameeynayey dastuurka oo ay soo kormeereen gud.barlamaanka iyo R/W cumar c/rashiid.
Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” iyo RW Somalia Cumar C/rashiid Cali ayaa maanta kormeeray kulan howleed magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga soconaya guddiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo guddiga dib u eegista Dastuurka ee madaxa banaan.
Guddoomiyaha guddiga dib u eegista dastuurka ee baarlamanka, xildhibaan...
Al-shabaab ayaa maanta shan ruux oo ay sheegtay inay jawaasiis ahaayeen ku dishay fagaare ku yaalla degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe.
Afar ka mid ah eedeysanayaashan ayaa lagu toogtay fagaaraha oo ay boqolaal qof joogeen halka midkii shanaadka la gowracay.
Garsooraha Maxkamadda Al-shabaab ayaa xukunka ku riday dadka la dilay...
Wararka ka imaanaya degmada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in lagu afduubay kalkaaliye caafimaad iyo darawal, xilli ay la socdeen gaari kuwa gurmadka deg-degga ah oo marayay dulleedka Bari ee Dhuusa-mareeb.
Shaqaalahan la faduubay ayaa kala ah; Cabdi-kaafi Jabaan oo ka tirsanaa kalkaaliyeyaasha caafimaadka isbitaalka Dhuusa-mareeb iyo Yaxye Muxiyadiin oo...
Kulan ay maanta yeesheen xubnaha baarlamaanka Jubbaland ayaa ujeedadiisu ahayd in looga doodo codsiga Madaxweeynaha Jubbaland ka yimid oo ahaa in mar sedexaad ay mudaneyaasha waqti kordhin u sameeyaan iyo weliba sharciga ah in qofka ka tirsan Baarlamanka Jubaland uu noqon karo Wasiir.
Kulanka oo uu shir-guddoominayay Gudoomiyaha baarlamaanka Jubbaland...
Doorashooyinka madaxnimo iyo tan baarlamaanka ayaa maanta ka billowday Jamhuuriyadda Afrikada dhexe oo ay sannado ka jireen colaado u dhexeeya muslimiinta iyo masiixiyiinta dalkaas kuwada nool.
Xilka madaxweynaha ayaa waxaa u tartamaya 30-murashax, kuwaasoo mid uu dadaal ugu jiro sidii uu u bedeli lahaa madaxweynaha KMG-ka ah ee dalkaas, Catherine...
Maamulka degmada Buulo-burte ayaa sheegay inay hawlgal saacadihii aynu soo dhaafnay ka sameeyeen deegaanno hoos-taga degmada Buula-burte kula wareegeen fariisimo ay saldhigyo ay deganaayeen Al-shabaab. Guddoomiyaha Buula-burte,C/casiis Duuroow ayaa sheegay in hawl-gal ay ka sameeyeen galbeedka degmada, ayna kula wareegeen dhowr deegaan. “Howlgalka wuxuu ahaa mid qorsheysan waxaa ciidanka...


















