Monday, August 3, 2026
Mucaaradka dalka Burundi ayaa maanta sheegay inay soo dhaweynayaan Magacaabidii shalay loo magacaabay Madaxweynihii hore ee Tanzania, Benjamin Mkapa inuu noqdo Dhex-dhexaadiyaha Nabadda dalka Burundi, iyadoo Xilka ay u magacaabeen xubnihii ka Qayb-galayay shirkii ururka bulshada Bariga Afrika ee EAC ee Caruusha, Tanzania ka dhacay. Benjamin Mkapa oo 77-jir ah...
Murashaxa Madowga ah ee Ben Carson oo ka Tirsan Murashaxiinta Xisbiga Jamhuuriga ee Mareykanka, ayna is-hayeen maal-qabeenka Donald Trump ayaa xalay ku dhawaaqay inuu ka haray ololaha doorashada, kaddib markii uu guul-darro weyn kala kulmay Cod-bixintii laga qaaday 11 Gobol oo ka mid ah Gobollada Dalka Mareykanka. Ben Carson ayaa...
-Ayadoo shalay ay ahayd markii la qabtay kulankii 17aad ee caadiga ahaa ee madaxweyneyaasha dalalka Bariga Afrika ee kujira EAC laguna qabtay magaalada Arusha ee Tanzania ayaa lagu daray Koofurta Suudaan EAC. Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya weli codsigii ay uga mid noqon lahayd wadamada jimciyadaa kujira lagama aqbalin. Shirkaa ayaa...
Maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka Qalabka sida ee Somalia ayaa maanta dil Toogasho ah ku xukuntay Xasan Xanafi Xaaji oo ka tirsan Al-shabaab, kaasoo mudd sannad ka badan ku xirnaa xabsi ay Hay'adda Sirdoonka Somalia ku leedahay Magaalada Muqdisho. Dhageysiga dacwaddii loo haystay Xasan Xanafi oo ay ka mid ahaayeen;...
Taliska ciidanka Booliiska ayaa sheegay inay ku daba-jiraan kooxihii dilay Taliyihii Qaybta Gobolka Saaxil ee Somaliland, Col. C/risaaq Yuusuf Max'uud (Casayr) oo kooxo Hubeysan ay ku dileen shalay Deegaanka Biyoole oo Gobolka Saaxil ka tirsan. Ciidamada Ammaanka Somaliland, ayaa Arrintan u xidhay Salaaddiin iyo Cuqaal Gobolka Saaxil ka soo jeeda,...
Iyadoo shalay ay ahayd maalin doorashada hordhac ah ee Maraykanaka ay dhacaysay ayaa waxay masharaxiinta tartamaya tagayeen magaalooyin kala duwan si ay u helaan codadka shacabka. Musharaxa ugu wayn xisbiga Dimuqraadiga ah ee Mareykanka, Hillary Clinton ayaa Safar ku Timid Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, iyadoo meelihii ay tagtay ka...
Peter de Clercq, oo ah isu duwaha QM u qaabilsan arimaha gargaarka Soomaaliya ayaa sheegay in ku dhawaad 60,000 oo carruur Soomaaliyeed ah ay qarka u saaran yihiin dhimasho. Mr. Peter ayaa hadalkaa murugada leh sheegay asagoo ku sugnaa istuudiyowyaasha talefishinka ee QM ay ku leedahay New York. Mr. Peter ayaa...
Ciidamada Badda Puntland oo haw-gallo ka sameeyay inta u dhexeysa magaalooyinka Boosaaso iyo Qandal ayaa soo qab-qabtay Shan doomood iyo shaqaalihii saaran oo si sharci-darro ah kalluumeysi sharci-darro ah kawaday Xeebaha Puntland. Taliyaha ciidanka badda maamulka Puntland, Admiral C/risaaq Diiriye Faarax ayaa wuxuu warbaahinta u sheegay in doonyahaan iyo shaqaalihii...
Ugu yaraan 15-qof ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen kaddib dagaal culus oo magaalada Dhuusa-mareeb ku dhaxmaray Xoogagga Maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusunna iyo Malleeshiyaad daacad u ahaa Sarkaal kasoo goostay Dowladda Soomaaliya oo lagu magacaabo Liibaan Madaxweyne. Afhayeen u hadlay Maamulka Gobollada Dhexe oo lagu magacaabo Mursal...
Xog uruurin cusub oo lagu darsaayo siyaasada Mareykanka ayaa muujinaysa in xisbiga Jamhuuriga uu maalqabeenka mayalka adag ee Donald Trump usoo bixi doono maadaama ilaa iyo hada uu heysto codadka ugu badan ee doorashooyinka tijaabada ah ee la qabtay. Dhanka kale ayaa waxaa la saadaalinayaa in xisbiga Dimoqraadiga ay usoo...