Sunday, April 26, 2026
Xukuumadda Somalia ayaa sheegtay in la soo xiray Dad ka badan 20-ruux oo lala Xiriirinayo Qaraxii Diyaaradda Daallo ka Talaadadii la soo dhaafay, iyadoo si Deg-deg ah ugu soo laabatay Garoonka Aadan Cadde oo ay markii hore ka duushay. Afhayeenka Xukuumadda Somalia, C/salaan Axmed Caato ayaa sheegay in ay...
Xaalado Kacsanaan ah ayaa ka jirta Degmada Marko ee Xarunta Gobolka Shabeellada Hoose maanta, sida ay sheegeen qaar ka mid ah shacabka ku nool degmadaas, iyadoo weli Degmadu ay gacanta ugu jirto Al-shabaab. Goob-joogayaal ku sugan Marko ayaa sheegay in Al-shabaab ay soo geliyeen qaar ka mid ah gaadiidka dagaalka...
Wararka laga helayo Degmada Marko ayaa sheegaya inuu maanta dulleedka degmadaas iska-horimaad ku dhexmaray xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada Dowladda Somalia oo garabsanaya kuwa AMISOM. Iska-horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Buufow-bacaad Qiyaastii 3-km ka xiga Marko dhanka Waqooyi. iyadoo Dagaalkan uu Qarxay markii Al-shabaab ay weerareen ciidammo millateriga Somalia ka tirsan...
Guddoomiyaha deegaanka Bomet ee wadanka Kenya, Isaac Ruto ayaa ka dalbaday madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta inuu Ciidanka Kenya kasoo saaro gudaha Somalia, isagoo tixgelinaya cabashadooda. Isaac Ruto oo magaalada Kericho kula hadlayay mas’uuliyiintii hore ee golaha deegaanka, ayaa ku boorriyay in Warbixinnada ka imaanaya Soomaaliya ay sheegayaan in Ciidamada Kenya...
Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Banaadir iyo Duqii Magaalada Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur iyo Wafdi odayaal-dhaqameedyo ah oo safarkiisa ku wehlinayay ayaa maanta soo gaaray magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan. Tarsan iyo wafdiga la socday waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Ugaas Khaliif kusoo dhaweeyay Mas'uuliyiin ka Tirsan maamulka Gobolka, Odayaasha-dhaqanka iyo...
Madaxweynaha Somalia Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta khudbad dhinacyo badan ka jeediyay kulan aan caadi ahayn oo Baarlamanka FS ay ku yeesheen Muqdisho, isagoo ka hadlay Siyaasadda, Shirkii lagu go’aamiyay doorashada dalka, dhallinyarada iyo qodobbo kale. Furitaankii kulanka ayaa waxaa ka hadlay guddoomiyaha baarlamanka Somalia, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari oo ka...
Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas oo kulan la qaatay hay’ado badan oo kuwa gargaarka ah oo ka howlgala Puntland, ayaa ka dalbaday in gargaar lala soo gaaro shacabka qaybo ka mid ah Puntland ku nool, kuwaasoo uu sheegay inay abaaro kusoo wajahan yihiin. C/weli Gaas ayaa hay’adahaas kala hadlay...
Ra’iisul Wasaaraha Dalka Turkiga, Ahmet Davutoglu ayaa sheegay in 15,000 oo qoxooti Suuriyaan ah ay isugu tageen xuduudda waddankiisa uu la wadaago Suuriya, kuwaasoo kasoo qaxaya duqeynta dowladdu waddo dalkaas. Qoxootiga kasoo cararay Suuriya ayaan weli loo ogolaan inay xuduudda ka gudbaan dalka Turkiga, laakiinse Shaqaalaha Gargaarka ee Turkiga, ayaa...
Saraakiil ka tirsan FBI-da dalka Mareykanka ayaa soo gaaray Muqdisho, kuwaasoo la sheegay inay ku biireen Hay’adihii amaan ee horay baarista ugu waday qaraxii diyaaraddii Daallo Airlines. Diyaaradan oo ka duushay garoonka Muqdisho ayuu Qaraxu qabsaday Talaadadii aanu ka soo gudubnay xilli ay kusii jeeday dalka Jabuuti, waxaana qaraxa oo...
Weerar isugu jiray Qarax iyo iska-horimaad Toos ah oo maanta lagu qaaday masjid ay leeyihiin Shiicada oo ku yaalla Saudi Arabia ayaa lagu dilay afar qof, sida ay sheegeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha Saudi Arabia iyo Goob-joogayaal kale. Masaajidka la weeraray oo lagu magacaabo Imam Rida ayaa ku yaalla magaalada Mahasen...