Ganacsiga Magaalada Baladweyne, ayaa waxaa saameyn Xoog leh ku yeeshay Fatahaadaha ku Dhufatay Magaalada Beledweyne, kaddib markii ay Goobaha ganacsiga buux dhaafiyeen dadaadka ka soo rogmaday Webiga Shabeelle.
Marka laga soo tago xarumaha Ganacsiga Qaarkood oo laga saaray Wixii Hanti ahaa ee ku jiray, Waxaa jira Ganaacsato wali Goobahooda ku...
Ugu yaraan Afar ruux oo laba ka mid ah ay ka tirsan yihiin Ciidamada Amaanka Dowladda Somalia, ayaa ku dhaawacmay qarax barqonimadii maanta ka dhacay Isgoyska Kaaso-bololaare ee magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Gobolka Banaadir, Cabdifataax Cumar Xalane oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Qaraxan ay ku dhaawacmeen laba askari iyo...
Ugu yaraan 45-qof ayaa ku dhintay Weerarro Is-miidaamin ahaa oo ka dhacay magaalada Koonfurta dalka Yemen ku taalla ee Cadan, sida ay sheegeen saraakiisha Amniga Xukuumadda Yemen.
Weerarradan oo ay Mas'uuliyadooda sheegatay Koox Islaami ah ee ku sugan Yemen, ayaa waxay sheegeen saraakiishu in lagu bartilmaameedsaday saldhig lagu qorayay dhallinyaro...
Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika, ayaa kulan kula qaatay Gobolka Rustenburg Jaaliyada Soomaaliyeed, kaasoo ay ka qayb-galeen; Wax-garad, Ganacsato iyo Dhallinyaro. Waxaana looga Hadlay Kaalinta ay Jaaliyaddu ka Cayaari karto Wada-shaqeynta Safaaradda iyo sidii Safaaraddu ay Wax ugu Qaban lahayd dhibaatooyinka haysta Jaaliyadda Soomaaliyeed, waxaana hadallo kala duwan...
-Guddoomiyaha Lamu ee dalka Kenya, Joseph Kanyiri ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ee Kenya ay haatan ka saareen keynta Boni Alshabaab.
Keynta Boni ayaa kutaala degmada Lamu waxaana hawlgalkaasi uu socday sida Joseph Kanyiri uu sheegay sagaalkii bilood ee lasoo dhaafay.
Wuxuu intaasi ku daray in weli ciidamada Kenya ay halkaa...
Xaaladda Magaalada Beledweyne ayaa Cakiran, Waxaana Saacadihii ugu dambeeyay si weyn uga barakacay Magaalada inta badan Dadkii ku noolaa, guryo cooshado ka sameysan ka dhistay deegaanka Ceel-Jaalle ee duleedka bari magaalada Beledweyne.
Biyaha ayaan wali nusqaan laheyn, waxaadna moodaa in saacadba saacada ka dambeysana ay isa soo tarayaan, taasoo quus iyo...
Iyadoo Baarlamaanka Somalia uu maalmahan ka doodayay Hannaanka Geeddi-socodka Doorashooyinka 2016-ka, ayna go’aan ka gaari waayeen, ayaa waxaa soo baxaya in weli uu taagan yahay muran la xiriira Hannaanka Doorashooyinka ee Dalka.
Qodobbada ugu waaweyn ee la isku hayo, ayaa ah dhismaha Aqalka sare ee Baarlamaanka lasoo dhisayo. Iyadoo Hannaanka...
Duqeyn si wada jir ah ay SYRIA uga fuliyaan Mareykanka iyo Ruushka oo USA diidey/waa maxey sababtu?.
-Dowladda Mareykanka ayaa ku gacan seyrtay codsi uga yimid Ruushka oo ahaa in diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka iyo Ruushka ay si wada jir ah isaga kaashadaan howlgallada duqeymaha ah ee ka dhanka ah mucaaradka hubeysan ee Suuriya iyo Daacish.
Kabtanka ciidamada badda ee af hayeenka u ah waaxda gaashaandhigga Mareykanka...
Wada hadalo looga arinsanaayo amuurta colaada ah ee ka taagan dalka Burundi ayaa ka socda magaalada Caruusha ee dalka Tanzania.
Caruusha ayaa waxay tahay magaalo muhiim ah oo ay kuyaalaan xafiisyada jaamacada bariga Afrika ee EAC oo dalka Burundi uu kujiro.
Marar badan ayaa waxaa dib u dhacay wadahadaladaas laakiin ugu...
Khilaaf weyn ayaa hadheeyey golaha deegaanka ee Burco, ka dib markii xildhibaanadda qaarkood sheegeen inay doorteen maayar cusub iyo maayar ku xigeen cusub.
Maayarka magaaladda Burco Maxamed Muraad ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin maayarka cusub ee la doortay, isla markaana ku tilmaamay xildhibaanadda burburinaya sharciyada wadanka u taalla.
Kow...


















