Madaxda isbaheysiga xisbiyayada siyaasada soomaaliya ee ka qeyb galey Caana shubka ugas Xasan ugas Khaliif oo weli B/weyne ku sugan.

0
539

Madaxda xisbiyada siyaasada soomaaliya oo ku wada jira Isbaheysiga IXSS ayaa habeenkii 3’aad ku sugan  xarunta gobolka Hiiraan ee Beledweyne,iyagoo kulamo gooni gooni ah la leh qeybaha bulshada ku dhaqan magaalada Beledweyne.

Madaxdan oo tiradoodu gaareyso ilaa todobo xubnood ayaa waxaa hugaaminayey gud.kuxigeenka 1’aad ee Isbaheysiga xisbiyada siyaasada soomaaliya Suleymaan Yuusuf Cilmi,waxaana sidoo kale kamid ah Macalin katiba oo isportiga caan ku ah.

Masuuliyiinta isbaheysiga ayaa sidoo kale waxaa ka mid ahaa Maxamuud Axmed Nuur Tarsan,Faarax Salaad DHaraar,Yuusuf Shinbir,C/qaadir barnaamij,waxaana la filayaa in ay halkaas kasoo laabtaan marka ay dhameystaan kulamada ay la leeyihiin qeybaha bulshada,sida dhaqanka,dhalinyarada haweenka,culimada diinta iyo aqoon yahanka degmada B/weyne.

Madaxda Isbaheysiga ayaa casuumaad hore uga heley ugaska soomaaliyeed Ugas Xasan Ugas Khaliif Ugas Rooble,iyadoo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey magaaladada,isla markaasna loo maa muusey si qadarin leh intii ay joogeen magaalada.

Waa markii ugu horeysey ee isbahesigu casuumaad ka helo hugaamiyeyaasha dhaqanka soomaamaaliyeed mid kamid ah tan iyo intii isbahesigan lagu dhawaaqey 18kii feberwery ee sanadkan aynu ku jirno ee 2016ka.

warsom2011@gmail.com

tabaaraksalaam bankbecco