Iyadoo ay isa soo tarayaan dadaalada loogu jiro sidii loo Caawin lahaa Dadka ku barakacay fatahaadda iyo dagaallada magaalada Beledweyne, ayaa waxaa jira Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo Guddi u saaray sidii kaalmo deg deg ah loola gaari dadka dhibaateysan.
Xildhibaaan C/qaadir Sheekh Xanafi oo ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka,...
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta ka Guddoomay Warqadihii Aqoonsiga danjiraha cusub ee Uganda, Prof Sam Tulya Muhika.
Xasan Sheekh ayaa danjiraha u xaqiijiyay inay dowladda Somalia si buuxda ugala shaqeyn doonto Danjiraha, una fududeyn doonto gudashadiisa waajibkiisa danjirenimo inta uu xilka hayo.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Safiirka,...
Danjiraha Jabuuti u jooga Somalia Dayib Dubad Rooble oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladda Jabuuti si dhaw ula socto xaalada adag oo ay wajahayaan shacabka ku dhaqan magaalada Beledweyne.
Safiirka, ayaa sheegay in Dowladda Jabuuti si dhab ah isku bar bartaagi doonaan Shacabka dhibaateysan, isaga oo intaa ku...
Laba Askari oo ka Tirsan Ciidamada Puntland, ayaa ku geeriyooday, shan kalena way ku dhaawacmeen qarax miino lagula eegtay gaari dagaal oo ay ciidamadan wateen duleedka Magaalada Boosaaso ee xarunta Puntland.
Wararka ayaa sheegaya in Gaariga Dagaal ay la socdeen ciidanka Puntland uu ku sii jeeday Buuraha-Galgala, halkaas oo ay...
Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud, ayaa sheegay in Midowga Africa ay kaalintii looga baahnaa ka qaadatay taageerada Soomaaliya, waayihii adkaa ee waddanka uu soo maray.
Khudbad uu Madaxweynaha Soomaaliya ka jeediyay Xaflad lagu maamuusayay maalinta Qaaradda Afrika oo ku beegan aas aaskii Ururka Midnimada Afrika oo markii dambe loo bixiyey...
-In ka badan labaatan qof ayaa haatan lagu daaweynayaa xarumo caafimaad oo kuyaala magaalada dhacda xadka Kenya iyo Soomaaliya ee Balad Xaawo kadib markii uu soo ritay cudurka shuban biyoodka.
Badi dadkaasi waxay yihiin carruur ka yar da'da shan sano jirka.
Dhaqaatiirta ayaa la xiriirshay faafitaanka shuban biyoodka magaaladaa kajira faya...
Ciidamada dambi baarista Masar ayaa meesha ka saaray in diyaaradii dhawaan burburtay ee dalkaa ee Egypt Air lasoo riday.
Walow ay jireen warar hore oo laisla dhexmarayay oo sheegayay in argagaxiso laga yaabo inay soo rideen diyaaradaa ayaa hada waxaa ciidamada dambi baarista ee Masar ay u badinaayaan in hawada...
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho, ayaa waxay kusoo dhaweeyeen Go’aankii Madaxweynaha DF uu ku Meel-mariyay dhawaan Hannaanka Doorashada dalka ee sannadkan 2016-ka, iyagoo Sidoo kalena ka Hadlay Fatahaadaha ku dhuftay Baladweyne, isla markaana Meel-mariyay Danjirayaal cusub oo la magacaabay.
Wasiir-u-dowlaha Wasaaradda Amniga Somalia, Daa’uud Maxamed...
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhibaatooyin waaweyn ay keeneyso arinta Kenya ay ka dhawaajisay ee ah in qaxootiga Soomaaliyeed ay dib ugu celinayso Soomaaliya si qasab ah.
Dhawaan ayay ahayd markii dawlada Kenya ay ka dhawaajisay inay xireyso ama albaabada isugu dhufanayso xeryaha Dhadhaab iyo Kakuma...
Dalka Soomaaliya gaar ahaan caasimada Muqdisho waxaa sanadihii sideetameeyadii caan ka ahaa gawaarida 124-ka kuwaasoo ahaa gaadiidka ugu badan waddooyinka Xamar.
1980kii ilaa 1991 ayaa waxaa aad ugu badnaa Soomaaliya gaar ahaan waddooyinka Xamar iyo Baydhabo nooca tagaasida ah ee 124 loo yaqaano. Weliba kuwa Xamar ama Muqdisho ayaa lahaa...


















