Qaraxyo iyo dilal is xig xiga oo maanta Muqdisho ka dhacey/intee la egyahey khasaaraha naf iyo maal.

0
551

Qaraxyo is-xigay ayaa goor-dhaweyn lagu weeraray xarunta dambi-baarista booliiska Somalia eee CID-da ee Muqdisho, taasoo ku dhaw isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Qaraxyadan oo ahaa kuwo aad u culus, ayaa waxaa laga maqlay inta badan Muqdisho, waxaana ay ahaayeen kuwo loo adeegsaday Gaadiid laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa.

Markii Qaraxyadan ay dhaceen kaddib ayaa waxaa xigay rasaas culus oo ay is-weydaarsanayaan kooxo hubeysan oo xarunta CID-da weeraray iyo ciidankii ku sugnaa xeradaas.

Sida uu sheegey wasiirka amniga dawlada federalka soomaaliya in shan qof ku dhinteen qaraxaas ka dhacey C.I.D.

Fiidnmadii caawana gaari ayaa ku qarxey wadada maka al-mukarama kadib markii uu ka degey ninkii watey gaariga oo ka badbaadeysidoo kale gudoomiye waaxeed ka tirsanaa deg SHibis ayaa lagu diley KHaalid maxamuud macalin, degmadaasi gobolka banaadir ka tirsan.

Illaa hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxyadaan is-xigay, iyadoo xaaladdu ay kacsan tahay, iyadoo qaraxyadan ay noqonayaan kuwii labaad oo Muqdisho ka dhaca muddo toddobaad gudihiisa ah.

Wixii kasoo kordha weerarradan iyo khasaaraha ay geysteen waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee warsom haddii ALLE ogolaado.

warsom2011@gmail.com

salaam bankbeccotabaarak