Wednesday, August 5, 2026
Ugu yaraan 10-ruux, ayaa ku Geeriyooday Weeraro isugu jiray Ismiidaamin iyo mid toos ahaa oo lala beegsaday gellinkii dambe lala beegsaday Hotel Ambassador ee Muqdisho, iyadoo Mas’uuliyada Weerarradan ay sheegatay Al-shabaab. Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegayaa inay weli gudaha ugu jiraan qaybo ka tirsan Hoteelka, iyadoo sidoo kalena...
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain, Philip Hammond ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah uu booqasho maalin ah ku yimaado xarunta Somalia ee Muqdisho. Philip Hammond, ayaa la kulmi doona Madaxda Dowladda Soomaaliya, isagoo kala hadli doona Waqtiga kala guurka Doorashooyinka la filayo inay bisha Ogoosto ee sannadkan ka dhacaan Dalka. Sidoo...
Shirkan oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda beeraha xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Baydhabo, waxaana diirada lagu saarayaa sidii looga faa’iideysan lahaa kheyradka uu eebbe ku maneystay dalkeenna. Shirka oo ka furmay xarunta madaxtooyada maamulka Koonfur galbeed ee magaalada Baydhabo ayaa waxaa kasoo qeybgalay wasiirada beeraha dowlad goboleedyada dalka,...
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay aaminsan tahay in kooxda ISIS ee ku sugan Magaalada Faluuja ee Waddanka Ciraaq ay dadka rayidka ah ka dhiganayaan gabaad. Ciidamada dawladda Ciraaq ayaa isku dayaya in ay magaaladaasi dib uga qabsadaan kooxdaasi. Mas'uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ay hayaan Warar sheegaya...
Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ayaa galay maalintii afaraad, waxaaana shirkan lagu waday in lagu soo gaba-gabeeyo saddex casho, balse dib u dhac ayaa ku yimid, kaddib markii la sheegay inay jiraan qodobbo weli la isku hayo. Hoggaamiyeyaasha Soomaalida ee Kulankan ka qaybgalaya ayaa wali isku mari la’ qaabka Muqdisho ay...
Qarax Culus oo Is-miidaamin ah, si weyna looga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, ayaa Goor-dhaw ka dhacay albaabka dambe ee Hoteelka Ambassador ee Muqdisho oo ku yaalla Waddada Maka Al-Makarama, Waxana la maqlayay qaraxa kaddib rasaas culus oo la is-wey-daarsanayo. Sidoo kale, Weerarkan ayaa ahaa mid isugu jiray qaraxyo iyo...
Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Fu’aad Macsuum, ayaa ka Guddoomay Isniin shalay warqadihii aqoonsiga darjirenimo, Safiirka cusub ee Somalia uga Wakiilka noqon doona Dalka Ciraaq, Danjire Cllaahi Sheekh Maxamed Suufi oo Dhawaan loo magacaabay xilka Safiirnimo. Danjire C/llaahi Sh. Maxamed Suufi, ayaa horey u soo noqday Safiirka Somalia u fadhiyay Rwanda, ka...
Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiir-u-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xali Xagaa - ayaa maanta gaaray Degmada Garoowe ee xarunta Puntland, iyagoo booqday xerada 54-aad ee Ciidanka Daraawiishta Puntland. Xubnaha Wafdigaan, ayaa waxaa Garoowe kusoo dhaweeyay Taliyaha guud ee Ciidamada Puntland, Jen. Siciid Maxamed Xirsi iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada...
Maanta oo ah 31.05.2016, waxaa la filayaa in wada-hadalladii Soomaaliya iyo Somaliland ay dib Turkiga uga furmaan. Dawladda Turkiga iyo dowladaha Carabta sida Isu-tagga Imaaraadka Carabta hormood u tahay ayaa wadahadallada qeyb ka ah, Kuwayt iyo Masar ayaana si dhow ula socda. Turkiga iyo Carabtu waxa ay sidaan hindiseyaal, sida la...
Madaxweynah Turkiga, Recap Tayyip Erdogan - ayaa lagu wadaa in Soomaaliya uu soo gaaro 03-da bisha June oo ku beegan maalinka jimcaha ah ee soo socota, iyadoo imaanshadiisa Somalia ka hor uu soo mari doonaa Waddamada Kenya iyo Uganda, wuxuuna madaxda dalalkaas kala hadli doonaa sidii loo xoojin lahaa xiriirka...