Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasada Soomaaliya iyo Xubnaha ugu sareeya Xafiiska Xeer ilaaliya guud oo kulan yeeshey.

0
496

Xubno ka socda Ibaheysiga Xisbiyada Siyaasada Soomaaliya iyo Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud madaxda ugu sareysa ayaa maanta kula ku yeeshey dhismaha ay hay’adda garsoorku ku leedahey magaaladan Muqdisho iyadoo dood iyo falanqeyn kadib leysku afgartey Qodobada soo socda:-

1 in leyska kaashado dhaqan gelinta,iyo dhawrista shuruucda dalka u degsan.

2 in Xafiiska Xeer ilaalintu ka qeyb qaato dhameystirka iyo meel marinta xeerka Axzaabta Soomaaliya oo in muddo ah madaxweynaha hor yiil.

3 in laga wada qeyb qaato sidii loo dar dar gelin lahaa dhismaha Golaha adeega garsoorka iyo Maxkamada dastuuriga dalka.

Madaxda isbaheysiga kulanka ka qeyb gashey oo ay hor kacayeen Gudoomiyaha isbaheysiga xisbiyada Cali Maxamed Nuux (timajilic) iyo kuxigeenka 1’aad ee isbaheysiga Suleymaan Yuusuf Cilmi,Salaad Cali Jeelle gud. xisbiga demuquraadia,Zakeriye X/maxamuud Cabdi gud. xisbiga Umah,Faarax Salaad Dharaar,xoghayaha guud ee xisbiga qaranka soomaaliyeed,iyo xoghayaha guud ee xisbiga Caddaalada Bulshada Caddaani iyo kuwo kale.

Dhanka kale waxaa kamid ahaa madaxda xafiiska xeer ilaalinta Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka soomaaliya DR Axmed Cali Daahir,kuxigeenka 1’aad ee xeerilaaliyaha guud Axme Cali Abuukar iyo la taliyaha xafiiska xeer ilaaliyaha prof. Ciise iyo madax kale.

Ugu danbeyntiina kulanka ayaa kusoo gaban gaboobey jawi hagaagsan iyo is afgarad.

warsom2011@gmail.com

salaam bankbeccotabaarak