Markab hubeysan ayaa habeynkii Arbacada ku laayay kalluumeysato xeebta jaziirado kuyaala Soomaaliya.
Ilaa labo kalluumeysato ah oo doonyo saarnaa ayaa halkaa ku dhintay 9 kalena waa dhaawacmeen kadib markii rasaas looga soo furay markabkaa shisheeye. Kalluumeysatadaa ayaa kasoo jeeda jaziiradaha Kudha iyo Madhawo iyo weliba mid u dhexeysa labadaa oo...
Magaalada Atlanta ee gobolka Georgia ayaa waxey ka mid tahay magaalooyinka waa weyn ee ay ku nool yihiin Soomaalida ku dhaqan wadankan Mareykanka, isla markaasna ay ku haystaan ganacsiyo kala duwan.
Ka hor mudo 40 sanno ku dhow ayey dadkii ugu horeeyay oo Soomaaliyeed yimaadeen magaaladaan,iyagoona markii hore u yimid...
Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kaguta Museveni ayaa ku baaqay in Afrika la maal galiyo asagoo sidoo kalena ku tilmaamay in Afrika ay tahay xarunta xigta ee koboca dhaqaalaha caalamka.
War murtiyeed Isniintii ka soo baxay aqalka madaxtooyada ee Uganda ayaa Madaxweyne Museveni ku tilmaamay xaalada Afrika mid aad u wacan inkastoo...
Wasiirka waxbarashada dowlada Soomaaliya Dr Cabduqaadir Cabi Xaashi ayaa heshiis dhanka waxbarashada ah magaalada Qartum kula gaaray Drs Sumaya Abuu Kashwah oo ah Wasiirka Wazxbarashada ee dalka Sudan.
Heshiiskaasi ayaa ujeedkiisu ahaa xoojinta xiriirka wada shaqeyneyd ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Suudaan iyadoo wasiirka waxbarashada Dowladda Soomaaliya uu sheegay in...
-Sida lagu daabacay saakay barta wararka ee mid ka mid ah wargeysyada Nairobi kasoo baxa, Guddoomiyaha Meru oo ah deegaanka lagu beero qaadka Kenya ayaa sheegay in naftiisu halis ku jirto kadib markii diyaaradihii qaadka laga mamnuucay Soomaaliya.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay jiraan dad doonaya inay khaarajiyaan maadaama uu aad uga hadlaayay...
Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo saaray wareegto ku saabsan habraaca shaqada dowladda ee waqtiyada doorashada toddobaadyada soo socda ka billaabanaysa Soomaaliya.
Wareegtadan ayaa quseysa sidii loo ilaalin lahaa hannaanka geedi socodka doorashooyinka, iyadoo la isku diyaarinayo doorashada xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Cusub iyo Doorashada Madaxweynaha.
Sida ku xusan...
Guddoomiyaha maamulka Gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar oo Maanta Dib ugu laabtay Magaalada Beledweyne, ayaa kasoo hor-jeestay shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Sh. Dhexe, isagoo dhinaca kale fariin u dirray DF iyo urur gobolleedka IGAD.
Dhinaca kalena, Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo soo hadal qaaday arrinta la xiriirta...
Shirka Madasha Hoggaanka Qaranka ayaa maalintii labaad si habsami leh uga socda Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.
Shirkan oo uu Shir-guddoominayo Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa waxaa ka qeybgalaya Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Sharma’arke, RW xigeenka Maxamed Cumar Carte iyo madaxda maamul-goboleedyada...
Kooxo Hubeysan, ayaa Magaalada Caabud-waaq ee Gobolka Galguduud ku dilay laba nabaddoon oo lagu kala magacaabi jiray, Fanax Aadan iyo sidoo kale Maxamed Barre Diini, waxayna sidoo kalena dableydani dhaawaceen sagaal qof oo ay ku jiraan saddex dumar ah iyo laba naddoon oo kale.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in kooxdan hubeysan...
Qaad badan oo lasoo guray ayaa ku xayiran beeraha qaadka ee degmada Meru kadib markii dawlada Soomaaliya ay mamnuucday in Soomaaliya la keeno qaadka Kenya.
Waxaa kaloo qaad badan oo lasoo guray shalay uu ku xayiran yahay garoonka Wilson Airport ee caasimada Nairobi iyo sidoo kale maqaasiino ladoonayay in laga...


















