Wednesday, November 4, 2026
Wararka naga soo gaaraya degmada Qoryooley ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in lix ruux oo shacab ah lagu dilay meel duleedka ka ah degmada, kaddib markii qoriga Basuukaha lagu dhuftay gaari hoomey ah oo ay dadkan la socdeen. Dadka dhintay oo isugu jiray rag iyo dumar ayaa la sheegay in...
Qormadan maanta aan soo qaadaney waa mid tilmaameysa aragti dahsoon oo Aminarts uu ku muujinayo fekerka qaar ka mid ah shacabka soomaaliyeed kaas oo muujinaya Doorashada Madaxweyne ee la filayo in ay beryaha soo socda dhacdo. Sawir sameeyaha Aminarts wuxuu Sawirkan ku muujiyey Nin calool weyn Qoslaya Dhiigna dushiisa ka...
Laba gabdhood oo Somali Canadian ah ayaa  laga helay gurigooda ,iyaga oo mayd ah sida ay shaacisay laanta danbi baarista booliska ee Canada , waana kiisaskii 23-aad iyo 24-aad oo oo sanadkan gudihiisa ka dhaca Ottowa. Booliska ayaa laga soo wacay guri ku yaala jidka McCarthy abaaro sagaalkii fiidnimo ee...
Waxaa maanta lagu qabtay dugsiga sare ee Eastleigh High School ee xaafada Islii shirweynihii 2aad ee ganacsiga Islii. Shirweynihii 2aad ee ganacsiga Islii ayaa looga gol lahaa sidii natiijo wanaagsan loo muujin lahaa iyo sidii mulkiileyaasha iyo masuuliyiinta ganacsigu u ogeysiin lahaayeen dadweynaha badeecooyinka iyo adeegyada shirkadahooda. Waxaa sidoo kale looga...
Magaalada Muqdisho waxaa wali ka soconaya bixinta shahaadada aqoonsiga xildhibaannada cusub ee dhawaan la soo doortay kuwaa oo la filayo in todobaadkan gudihiisa lagu dhaariyo magaalada Muqdisho. Xildhibaannada shahaadada qaatay ayaa waxaa ku jira xubno ka tirsan gollaha wasiirada, oo ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka C/raxmaan...
Maamulka gobolka Bari ayaa sheegay in 120 Qof lagu soo qab-qabtay howl-galo ay ciidamada amniga ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Bosaaso labo maalin ka dib markii magaalada Bosaaso lagu dilay taliye sare oo ka tirsanaa ciidamada Puntland. Gudoomiyaha gobolka Bari ayaa ayaa hadalkan ka sheegay kalfadhigii 3-aad ee golaha...
Wararka naga soo gaaraya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ilaa 9 caruur ah maalmihii aynu soo dhaafnay ugu dhinteen degmada cudurka shuban biyood oo ka dilaacay degmada iyo deegaano hoostaga. Caruurta iyo dadka waayeelka ayaa la sheegay in si isku mid ah uu cudurka u soo ridanayo,...
Maamulka gobolka Banaadir ayaa bilaabay howlgal lagu qaadayo dhagxaanta lagu gooyay qaar ka mid ah jidadka magaalada Muqdisho, taasoo dhibaato ku ah isku socodka dadka iyo gadiidka caasimada. C/fitaax Cumar Xalane oo ah afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in guddoomiyaha gobolka amar ku bixiyay in la qaado dhamaanba dhagaxyada...
Taliska howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa maanta war hor dhac ka soo saaray qof rayid ah oo mid ka mid ah gadiidkooda booliiska ku jireen wadada gasha garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho isgooyska KM4. Warka ka soo baxay howlgalka AMISOM ayaa lagu sheegay in si lama filaan ah mid ka mid...
Wasiiradda Haweenka Puntland Anisa Xaaji Muumin ayaa Mar kale si adag uga jawaabtay  buug lagu qoray  in qofku Diinta uu rabo qaadan karo, dadka isku jinsiga ahna isguursan karaan ,kaaso 10-ka bisha Disembar oo ahayd maalinta xuquuqul insaanka laga qaybiyay xalfad wasiiradu joogtay. Buugaan ayaa ka koobna 30 qodob waxaana...