Monday, August 10, 2026
Laanta BBC-da ayaa balaarin ku samaysay xarumaheeda ku yaala daafaha dunida ,waxaana arintan looga dan leeyahay in BBC-du ay gaarto dad ka badan malaayiin qof oo qaarkood ay ku nool-yihiin wadamo saxaafad-du aysan xor ahayn. BBC-da ayaa soo kordhisay lix luuqadood oo kala ah Pidgin ,Yoruba,Igbo ,Axmaari ,Afaan ,Oromo iyo...
Maamulka Galmudug ayaa War-saxaafadeed kasoo saartay falkii maanta ka dhacday albaabka hore ee xarunta madaxtooyada maamulkaas xilli ay xaroonayeen Ergada ka qayb-galaysa doorashada, Falkaasoo uu ku geeriyooday hal qof. AKHRISO: War-saxaafadeedka uu Falkaan kasoo saaray Maamulka Galmudug;
Dagaal u dhexeeya maleeshiyooyin beeleed ayaa ka qarxay maanta Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, iyadoo Dagaalkaan uu xoog leh uga socdo gudaha Degmada. Wararka, ayaa intaas ku daraya in Dagaalkaan uu daba socdo ruux shacab ah oo Xalay lagu dilay gudaha degmada Caabud-waaq, waxaana malleeshiyo beeleedkan horay u dhexmaray colaado...
C/fitaax Xassan Afrax guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan oo dhawaan magaalada Jowhar uga dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan qabashada kursiga aqalka hoose ee beeshiisa, ayaa maanta laga saaray hoolka doorashada magaalada Jowhar. Warka arrintan ku saabsan markii uu soo baxay ayaan xiriir la sameynay C/fitaax Xassan Afrax...
Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ayaa sheegaya in halkaa goor dhaw ciidammada AMISOM ku toogteen mid ka mid ah ergada doorashada, kaddib markii sidda la sheegay ay ka shakiyeen. Toogashada ciidammada AMISOM ayaa dhacday xili halkaa ka soctay doorasho, taasoo keentay in musharixiintii goobta ku sugneyd iyo ergadii doorashada...
Soomaali badan oo qurbaha ku wareeray ayaa haatan lagu soo waramayaa inay dib ugu laabanayaan dalkoodii hooyo ee Soomaaliya. Inkastoo wali qeybo badan oo Soomaaliya ah ay colaado ka jiraan Soomaalidaa ayaa door bidaya inay qurbaha isaga tagaan oo dalkoodii ay maciin bidaan kadib markii ay ku dhibtoodeen ama lagu...
Magaalada Jowhar waxaa ka soconaya diyaar-garoowga wajigii kowaad doorashada xubnaha aqalka hoose oo maanta lagu tartami doono sidda qorshuhu yahay 13 kursiga oo ka mid ah 37 xildhibaan ee la fillayo in ay ku matallaan maamulka Hirshabeelle baarlamaanka cusub ee federaalka. Guddiga doorashada maamulka Hirshabeelle ayaa maalin ka hor shaaciyay...
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaallo culus iyo weeraro ismiidaamin ah oo xallay ka dhacay deegaanka Tiyeegloow ee gobolka Bakool, kuwaa oo sababay khasaare balaaran isugu jiray dhimasho iyo dhaawac. Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in dagaal toos ah iyo weeraro ismiidaamin ah ku qaadeen saldhigyo...
Burundi oo ka mid ah dalalka Soomaaliya usoo diray ciidamada nabad ilaalinta ama AMISOM ayaa asaga qudhiisa waxaa haatan looga baqayaa in gumaad uu ka dhaco ama xasuuq sida hayadaha xaquuqul insaanka ee caalamiga ah ay ka digayaan. Shalay Talaadadii ayaa ururada xaquuqul insaanka ee caalamiga ah ay sheegeen in...
Ururka caalamiga ah ee u dooda xaquuqul insaanka ee Amnesty International (AI) ayaa sheegay in dawlada Kenya ay ku qasbeyso qaxootiga Soomaalida ah ee kunool xeryaha Dhadhaab inay Soomaaliya aadaan. Waxay AI sheegeysaa in saraakiisha dawlada Kenya ay ugu dardaar wariyaan qaxootiga Soomaalida ah ee kunool Dhadhaab in hadii aysan...