Buug ka dhan ah SHareecada Islaamka oo Dawladda Puntland uga hadashey si adag iyo eedeyn QM.

0
654

Wasiiradda Haweenka Puntland Anisa Xaaji Muumin ayaa Mar kale si adag uga jawaabtay  buug lagu qoray  in qofku Diinta uu rabo qaadan karo, dadka isku jinsiga ahna isguursan karaan ,kaaso 10-ka bisha Disembar oo ahayd maalinta xuquuqul insaanka laga qaybiyay xalfad wasiiradu joogtay.

Buugaan ayaa ka koobna 30 qodob waxaana jadligiisa sare ku qornaa inay iska kaashadeen United Nations Human Rights iyo UNSOM.wuxuuna ku qorna Luuqada Soomaaliga,iyadoona Nuqalka la qaybiyay logu magacdaray ”Baaqa Caalamiga ee Xuquuqul Insaanka”,kaaso qodobadiisa 16 iyo 18 aad ay si cad uga horimaanayeen Diinteena Suuban ee Islaamka.
Wasiiradda Haweenka Puntland Anisa Xaaji Maamin ayaa tiri Buuga loogu magacdaray “Baaqa Caalamiga ee Xuquuqul Insaanka” ayay Hay’ad ka mid ah kuwa Qaramada Midoobay si qarsoodi ah ku soo galisay goobta shirka lagu qabtay oo aheyd Jaamacada Bariga Afrika, is la markaasna qeybisay wakhti shirka lagu guda jiray, taas oo mar danbe ay ogaadeen Hay’adda Xuquuqul Insaanka Dowlada Puntland iyo Wasaarada Horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska.
Sidoo kale,Anisa Xaaji Muumin ayaa  Wasaarada Horumarinta Haweenka Puntland ayaa QM dusha uga tuurtay Eedeynta Buugaasi waxaana ay tiri “Waxa dib laga ogaaday “Baaqa Caalamiga ee Xuquuqul Insaanka” qodabka 16-aad iyo qodabka 18-aad in ayna waafaqsaneyn Diinteena suuban ee Islaamka ah iyo Dastuurka dowladda Puntland,cidii keentayna ay masuuliyadeeda ay qaadayaan”.
Inta badan heyadaha Q/midoobey ayaa waxa ay ku caan baxeen in ay si dadban u geliyaan wadamada caalamka gaar ahaan kuwa soo koraya si kastaba ha ahaatee dawlad goboleedyada dalka iyo dawladda dhexeba mas’uuliyad weyn ayaa ka saaran ilaalinta caqiidada Diinteena suuban iyo dhaqanka dadka soomaaliyeed.
Ugu Danbaytii hadal haynta Buugaan ayaa shalay oo Jamca ah si weyn loga dareemay Deegaanada puntland kadib markii  wasiirada Haweenka Puntland ay sheegtay inay wax ka ogayn buugan diinta islmaanka ka dhanka ah.
warsom2011@gmail.com
hormuud-logosalaam-bankbeccotabaarak