Monday, August 10, 2026
ALLE-bari Roob-doon ahaa ayaa maanta lagu qabtay dulleedka Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, kaddib markii ay dad badan ku cayroobeen abaarta sannadkan ku dhufatay qaybo ka mid ah Soomaaliya oo ay Puntland ka mid tahay, halka kuwo kalena ku dhinteen. Madaxweynaha Puntland, C/wei Maxamed Cali, Wasiirro, Agaasimayaal, Odayaal, Wax-garad,...
Madaxweynaha Mareykanka ee Xilka ka sii dagaya, Barack H. Obama ayaa sheegay in uu ka hadli doono haddii Donald Trump uu Sameeyay Waxyaabo liddiga ku ah Qiyamka bulshada Maraykanka marka uu xilka ku wareejiyo. Obama, ayaa hadal uu jeediyay kaddib shirkii Dhaqaalaha ee Asia-Pacific ee ka dhacayay Dalka Peru, Mr...
Magaalo xudeedeedka Tog-wajaale ee ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya ayaa la sheegay inuu ka Dillaacay Shuban aan wali noociisa la garan, isla markaana dad badan soo ritay. Dadka deegaanka ayaa sheegay in shubankani uu baryahan dambe ka jiray xarunta dawlad deegaanka Soomaalidda Itoobiya iyo nawaaxigeedda, markii dambana uu ka soo...
Allaha u naxariistee waxaa Xalay xilli danbe Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowlad Goboleedka Puntland ku geeriyooday Xildhibaan Daahir Xaaji Geelle Faarax oo kamid ahaa Baarlamaanka Soomaaliya ee cusub, isagoo horeyna u soo ahaan jiray Xildhibaan iyo xubin ka mid ah Guddiga Baarlamanka Soomaaliya u qaabbilsan Jaamacadda Carabta. Marxuum, Daahir Xaaji...
Guddoomiyaha guddiga doorashada dadban ee heer federaal Cumar Max'uud C/dulle oo shir jaraa'id qabtay ayaa ka hadlay tirada xubnaha aqalka sare iyo hoose ilaa iyo hadda hadda la doortay, isaga oo intaa ku darray in tirada dhiman uu rajeynayo in sidda ugu dhaqsiyaha badan loo soo dhameystiro. Guddoomiyaha ayaa...
Ilaa 20 qof oo ah la-tuhunsaneyaal laga shakiyay inay Al-Shabaab ka tirsan yihiin ayaa waxaa ciidamada ammaanku ku xireen Muqdisho habeynkii Axadu soo galaysay. Dadkaa ayaa lagu soo qabqabtay hawlgallo ciidamada ammaanku ka sameeyeen qeybo ka tirsan caasimada Muqdisho. Taliyaha booliska Banaadir, Bashiir Abshir Geedi ayaa saxaafada u sheegay in...
Magaalada  Atlanta ee xarunta gobolka Georgia ee dalka Mareykanka ayaa lagu wadaa in dhawaan ay kabiloowdaan ciyaaraha qaboobaha oo ay kaqeybgali doonaan ilaa sideed kooxood oo Soomaali ah too kakala socda qaar ka tirsan gobolada Mareykanka iyo Canada. Ciyaarahaan oo socon doona muddo afar cisho ah ayaa waxey bilaaban doonaan...
https://youtu.be/r_xFxGi4LK0
Waxaa goor dhaw gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle guddoomiyaha guddiga doorashada dadban ee Soomaaliya iyo taliyayaasha ciidammada nabad-sugida iyo booliiska Soomaaliyeed. Wafdiga oo uu horkacayo guddoomiyaha guddiga doorashada Cumar Dhagey ayaa waxaa ka mid ah taliyayaasha ciidammada booliiska iyo nabad-sugida Jen Max'ed Sheekh Xassan Xaamud iyo C/llaahi Gaafoow...
-Booliska Mandheera ee Waqooyi-bari Kenya ayaa sheegay inay baajiyeen weerar argagixiso. Waxay sheegeen inay weeciyeen weerarkaa kadib markii dabley weerarkaa maaganeyd ay ku weerareen degmo-hoosaadka Ceelwaaq oo isla degmada Mandhera ka tirsan. Wuxuu sheegay guddoomiyaha degmada Mandheera Fredrick Shisia in ciidamo ay weerareen koox ka tirsan Al-Shabaab 6dii aroornimo ee shalay. “Subixii...