Wednesday, August 12, 2026
Maanta ayaa lagu wadaa in ay magaalada Muqdisho lagu qabto wajigii labaad doorashada xubnaha aqalka sare ee gobollada W/qooyi oo todobaadyadii la soo dhaafayba hakad ku jirtay. Saddax ka mid ah shanta kursiga ee dhiman xildhibaannada aqalka sare ee gobollada W/qooyi ayaa la filayaa in maanta lagu doortay magaalada Muqdisho. Musharixiinta...
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Max’ed Cismaan Jawaari oo maalintii shalay ka hadlayay kulan uu guddoonka baarlamaanka la yeeshay guddiga doorashada dadban ayaa sheegay in howlaha baarlamaanka hor yaala u xayiran yihiin xildhibaannada wali harsan. Guddoomiyaha ayaa sheegay in howlo muhiim ah oo ay ka mid tahay doorashada madaxweynaha Jamhuuriyada ee...
Wararka naga soo gaaraya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada degmada xabsiga ku dhax dillay wiil uu dhalay guddoomiyaha Al-shabaab ee deegaanka Moqokori. Taliyaha ciidamada amniga degmada Maxaas Bashiir Faarax Darandoori ayaa warbaahinta u sheegay in mid ka mid ah ciidamada deegaanka toogasho ku...
Su'aalo badan ayaan wali jawaab loo helin su'aalahaas oo ku saabsan weerarkii Ceel Cadde ee ciidamada Kenya Shabaabku ku soo qaadeen. Su'aalaha aan wali jawaabta loo helin ayaa waxaa ku jirta su'aasha ah, 'meeqa askari ayaa lagu dilay halkaa?' Maanta ayay hase yeeshee ku beegan tahay hal sano kadib laga soo...
Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa ugu baaqay xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya in ay ka taliyaan masiirka umadda Soomaaliya, xili ay soo dhawday doorashada madaxweynaha. Waxaa uu sheegay in xildhibaannada maanta gacantooda ay ku jirto sida uu hadalka u dhigay badbaadinta umada Soomaaliyeed, islamarkaana looga...
Guddoomiyaha guddiga doorashada xubnaha aqalka sare ee gobollada W/qooyi Jaamac Max’ed Khalaab ayaa faahin dheeraad ah ka bixiyay sababta keentay in hakiyo soo xulista xubnaha ka dhiman aqalka sare ee gobollada W/qooyi. Jaamac Max’ed Qaalib ayaa sheegay in khilaafku yahay mid salka ku haya doorashada ama soo xulista shanta karsi...
Hay’adda QM u qaabilsan qaxootiga UNHCR ayaa shaacisay in maalinta beri ah dalka Soomaaliya ay kusoo celineyso qaxooti badan. Ku dhawaad 500 oo qaxooti Soomaali ah kuna sugan xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya ayay hay’addu sheegtay inay kusoo celin doonto gudaha dalka Soomaaliya. Dadkaasi ayaa badankood la qorsheynayaa in la geeyo...
Xildhibaanno ka tirsan maamul gobolleedka Hirshabeelle ayaa eedeyn ballaaran u jeediyay guddoomiyaha baalamaanka mamaulka Cismaan Barre Max’ed oo ay ku eedeeyeen in uu kalfadhigii baarlamaanka u wareejiyay magaalada Muqdisho. Xildhibaano ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa Khamiistii ina dhaaftay todobadkii hore ka sheegay magaalada Jowhar in hogaanka sare ee maamulka madaxweynaha...
Hal askari ayaa ku dhintay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen israsaaseyn ku dhaxmartay suuqa xoolaha degada Jowhar ciidamo ka tirsan dowladda. Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in israsaaseynta labada dhinac ka timid kadib markii mid ka mid ah askarta dowlad uu jirdil u geystay nin dhalinyarro ah darawal...
Waxaa waayadii waxaa sii kordhayay dilalka rag ku labisan dareyska ciidamada dowlada Soomaaliya kula kacayaan dhalinyarada ku shaqeysata gadiidka yar yar ee Mooto Bajaajka oo siweyn looga isticmaalo magaalada Muqdisho. Subaxnimadii hore ee saakay ayaa degmada Wadajir waxaa toogasho lagu dilay mid ka mid ah darawlada ku shaqeysta gadiidka Mooto...