Magaalada Nairobi Deegaanka ISLII oo si weyn looga soo dhaweeyey M/weynaha cusub Maxaed C/llaahi Farmaajo.

0
552

Islii Nairobi ayaa xalay aad loogu dabbaal dagay guushii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku guuleystay xilka madaxweynaha Soomaaliya 4ta sano ee soo socota.

Muhaajiriin badan oo gaaraya tobanaan kun ayaa ku nool xaafada Islii kuwaasoo dagaalka sokeeye ee Soomaaliya ka saoo baxsaday laga soo bilaabo 1991 markii dawladii dhexe ee Soomaaliya ay burburtay.

Xalay waddooyinka Islii ayaa saacado badan ay ku dabbaal dagayeen ayagoo waddooyinka isugu soo baxay hal ku dhagyo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ay ku taageerayaana qaadayay.  Qaar ayaa gawaari watay isla markaana hoonka yeerinaayay.

Farmaajo ayaa intii raisul wasaaraha uu ka ahaa dawladii Sheekh Shariif kasbaday kalsoonida Soomaalida kadib markii uu muujiyay wax qabad ay la dhaceen.

Doorashadii dhacday shalay intii uu ololaha ugusoo jiray ayaa ballan qaadkiisu ahaa inuu dalka iyo danta Soomaaliyeed wax tari doono.

warsom2011@gmail.com