Wednesday, August 12, 2026
Wararka ka imanaya degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe weerar culus ku qaadeen Al-shabaab fariisimo ciidamada AMISOM ku lahaayeen degmada. Dadka degmada ayaa sheegaya in rasaas xoog leh laga maqlay saldhigyada ciidamada AMISOM ee weerarka lagu qaaday xalay. Siddoo kale, dhawaqa rasaasta ay labada dhinac is...
Gudoomiyaha ciidamada AMISOM ahna wakiilka gaarka ee Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya ayaa shaaciyay inay u baahan yihiin ciidamo dheeraad ah oo ka howlgala dalka Soomaaliya. Francisco Madeira, ayaa codsaday ciidamo dheeraad ah oo ka yimaada dalalka Midowga Africa kuwaasi oo ka mid noqanaya howlgalka AMISOM ee ka socdo Soomaaliya...
Waxaa lagu wadaa in maanta magaalada Muqdisho ka bilaabato diiwaan-galinta musharixiinta u taagan xilka guddoonka aqalka sare ee Soomaaliya, kadib markii maalntii shalay guddiga qaban-qaabada shaaciyeen xiliga la qabanayo doorashada. Guddoomiyaha gudiga qaban-qaabada doorashada guddoonka aqalka sare Max’ed Cusmaan Faarax (Dhagajuun), ayaa sheegay in maanta ay u fariisan doonaan inay...
Madaxweynaha dowlad gobolleedka K/galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan oo dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ayaa ka hadlay doorashada Soomaaliya, isaga oo sheegay in siyaasiyiin reer K/galbeed ah uga baxeen balantii ay wada dhigteen. Shariif Xassan ayaa sheegay in hamigiisa uu ahaa  in wax ka badal lagu sameeyo hogaanka dalka oo...
Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo ka mid ah duubabka dhaqanka Soomaalieed ayaa ku baaqay in la joojiyo dilalka ku saleysan qabiilka ee ka dhacay qeybo ka mid ah gobollada Hiiraan iyo Galguduud. Ugaaska ayaa baaqan ka jeediyay kulan uu maanta magaalada Beledweyne kula yeeshay odayaasha iyo waxgaradka beellaha gobolka Hiiraan...
Waxaa goor dhaw lagu dhawaaqay gudiga qaban-qaabada doorashada xubnaha aqalka sare oo ka kooban 6 xubnood, kuwaa oo ka shaqeyn doona doorashada guddoonka aqalka sare. Guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa loo magacaabay Senator Prof Max’ed Cismaan Faarax (Dhagajuun) oo laga soo doortay maamul gobolleedka Hirshabeellee, halka xog-hayaha gudiga doorashada uu noqonayo...
War lagu baahiyaa Twitter-ka ee AMISOM ayaa lagu sheegay in howlgalka midowga Africa ka xun yihiin shilkii gaari ee shalay ka dhacay deegaanka Calamada ee degmada Afgooye. War ka soo baxay midowga Africa ayaa lagu sheegay AMISOM siweyn uga xun tahay shilka ka dhacay dulleedka Muqdisho’’Waxaan ka xunnahay shilka nadinta...
Wararka naga soo gaaraya degmada Bandiiradley oo hoostaga degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug,  ayaa sheegaya in afar ruux oo isku qoys ah ay ku dhinteen dab qabsaday gurigii ay deganaayeen, C/risaaq Axmed Jaamac oo ah guddomiyaha degmada Bandiiradley oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay xalay waqti danbe oo ay dadku...
Diyaarad kuwa xamuulka qaada ah oo laga lahaa dalka Turkga ayaa ku burburtay dalka Kyrgyzstan, waxayna diyaarada kasoo duushay Hong Kong. Diyaaradan bur burtay oo nooceedu ahaa Boeing 747 ayaa ku burburtay guryo ku yaala meel ku dhow garoonka diyaaradaha ee Manas oo 25 Km u jira magaalada Bishkek ee...
Munaasabad lagu maamuusayay sanad guuradii ka soo wareegtay weerarkii cuslaa ee Al-shabaab ay ku qaadeen saldhig militari oo ay Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceelcade ee gobolka Gedo, ayaa waxaa ka qeyb-galay 400 oo qoys oo intooda badan lagu dilay weerarka dad ay isku qoys ka soo jeedeen. Munaasabada oo ka...