Thursday, August 13, 2026
Soomaali badan oo kunool Minnesota oo sharciyo ay ku joogaan Mareykanka aan heysan kana baqanaya dawlada Donald Trump inay masaafuriso ayaa iminka damacsan inay Canada dhuumasho ku galaan. In dhawaale qaar ayaaba durbo galay Canada walow intooda badan kuwaa ay ahaayeen kuwo dhawaan tahriib ku galay Mareykanka ayagoo sii maray...
-Dawlada Itoobiya ayaa sheegtay inay aad ula shaqeyn doonto madaxweynaha cusub ee Soomaaliya  Maxamed C/Laahi Farmaajo. Shalay ayaa dawlada Itoobiya ay farriin boogaadin ah usoo dirtay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/Laahi Farmaajo guushii doorashada uu ka gaaray awgeed. Waxay sidoo kale sheegtay inay taageero buuxda la garab taagan tahay. Wuxuu...
Golaha Ammaanka ee QM ayaa soo dhaweeyay sida habsamida leh ee Arbacadii lasoo dhaafay loo soo afmeeray doorashadii madaxweynaha ee Soomaaliya. Arbacadii ayaa caasimada Muqdisho waxaa xubnaha cusub ee labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ay ku doorteen madaxweynaha cusub, Maxamed C/Laahi Farmaajo. 15ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM ayaa Jimcihii...
Madaxweynaha dhawaan la doortay ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa kulankiisii ugu horeeyay kula yeeshay magaalada Muqdisho danjirayaasha Jaamacada Carabta u qaabilsan Soomaaliya. Madaxweynuhu waxa uu gudoomay dhambaallo hambalyo ah oo ay uga sideen Madaxda dalalkooda, ayna ugu bogaadiyeen xilka loo doortay ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda, iyaga oo ballan qaaday...
Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo ka mid ah duubabka dhaqanka Soomaaliyeed ayaa goor dhaw shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Beledweyne ayaa ka hadlay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Farmaajo. Ugaas Xassan ayaa dhinaca kale dardaaran kooban u jeediyay madaxweynaha cusub, isaga oo Alle uga baryay in...
Maxkamada federaalka darajada sagaalaad ee racfaanka Mareykanka ayaa diiday in amarki uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu uga mamnuucay qaxootiga iyo muwaadiniinta kasoo jeeda 7 wadan oo ka mid ah dalalka Islaamka ineey soo galaan Mareykanka. Guddi ka koobnaa sadex garsoore oo ka tirsan Maxkamada federaaliga ee Racfaanka ee magaalada...
Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug oo horey u kala qayb-sanayd laba dhinac ayaa hadda mar kale dib la isugu furay wax yar ka dib markii lagu dhawaaqay in madaxweynaha Soomaaliya uu yahay Maxamed C/laahi Farmaajo. Dad-weyne aad u fara badan oo labada dhinac ah ayaa gacmaha is-qabsaday ,waxaana ay...
Ciidanka Booliska degmadda Berbera ayaa laba wariye ku xidhay magaaladdaasi, isla markaana xabsiga u dhaadhiciyey. Labadan wariye oo kala ah Mubarag Cismaan Nirig oo ka hawlgalla Telefishanka Star iyo Axmed Siciid Maxmed oo isna uga soo waramay waaberi  Tv oo marka la xidhay ku gudda jiray hawlo shaqo ayaaa ciidanka...
Sicirka lagu sarrifo doolarka Mareykanka ayaa hoos u dhacay gudaha caasimada Soomaaliya ee Muqdisho tan iyo markii la doortay madaxweynaha cusub ee 4ta sano ee soo socota hoggaamin doona dawlada Soomaaliya Maxamed C/Laahi Farmaajo. Sarrifleyaasha Muqdisho ayaa tilmaamay in sababta hoos u dhaca ay tahay ayadoo durba doolar badan caasimada...
Wali waxaa ka sii soconaya magaalada Muqdisho iyo guud ahaanba gobollada dalka ee dalka Soomaaliya dibadbaxyo iyo dabaaldegyo ay dhigayaan shacabka Soomaaliyeed oo siweyn u soo dhaweeyay doorashada madaxweynaha cusub Max’ed Cabdullaahi Farmaajo. Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Max’ed Aadan ayaa sheegay in si loo ilaaliyo xasiloonida iyo nabada looga...