Qaraxyo isdaba joog ah oo maanta Muqdisho ka dhacey iyo khasaaraha ay geysteen.

0
543

Gaari miineysan ayaa ku Qarxay, meel u dhow warshada Nacnaca ee degmadda Wadajir ee magaaladda Muqdishu, sida dad goobjoogayaal ay u sheegeen,sidoo kale waxaa lagu qarxiyey gaari isagana laga soo buuxiyey walxaha qarxa agagaarka Hotel Weheliye.

Qaraxyada ayaa maanta waxa ay ahaayeen sadex meelo kala duwan oo muqdisho ah ka kala dhaceykuwaasoo geystey qasaare nafeed iyo maalba,iyadoo ay dhinac socdaan dilal qorsheysan oo dad kala duwan lagu qaarajiyey.

Tan iyo intii uu yimid farmaajo ayaa waxaa lagu diley magaaladda Muqdisho kudhawaad labo boqol qof halka malaayiin hantiya dhulka lagu darey,mana jirto cid loo soo qabtey dhamaan denbiyadaas oo dhan Hey’adaha amniguna waa kuwo aan ogoleyn eedda ah in ay xilkoodi gudan waayeen,ama la maqlo mid damiirkiisu taabto waxa dhacaya ama iska Casila xilka uu bulshada u hayo.

warsom2011@gmail.com