2 askari oo ka tirsanaa ciidamada Jubaland ayaa dhintay dhowr kalena waa dhaawacmeen kadib markii gaari ay saarnaayeen ay miino ku qaraxday deegaan galbeedka ka xiga tobanaan km magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka ah ee Jubaland.
Miinada ayaa jidka mid lagu aasay ahayd. Askarta dhaawacmay ayaa loo qaaday...
Hayada lacagta aduunka ee IMF ayaa sheegtay inay ka caawinayso Soomaaliya sidii lacago shilin Soomaali ah dalka loogu daabici lahaa.
Soomaaliya ayaa lacagaha shilin Soomaaliga ah ay ku dabo yar yihiin. Shidoo kale ayaa IMF ay iminka sheegeysaa in dadaalkaan loogu jiro sidii shilin Soomaaliga baaliyoobay ee dalka yaala loo baddali...
Wakiilka xog-hayaha guud ee QM Machael Keating ayaa cambaareeyay weerarkii ay dadka badan ku dhinteen ee maalintii shalay ka dhacay suuq mashquul badan oo ku yaallay xaafadda Kaawo –Goodey ee degmada Wadajir
‘’Waxaan cambaareyneynaa weerarkii argagixisada ee Muqdisho ka dhacay ee lala eegtay dadka rayidka ah ayuu yiri ‘’ wakiilka...
Xaflad lagu taageerayay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo ay ka qeyb galeen shacab tiro badan, ayaa dhawaan lagu qabtay Magaalada Atlanta ee xarunta gobolka Georgia.
Munaasabada oo ay soo qaban-qaabiyeen guddiga Somali American Community ee magaalada Atlanta, ayaa waxaa lagu qabtay Hool-ka shirarka kulliyad farsamada...
Wasiiru dawlaha amniga Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, ayaa sheegay in Wariye Coldoon u aqoonsaneyd suxufi, balse isku bedelay samafale imika noqday siyaasi olola ka dhex waday doorashaddii Soomaaliya ku soo gabogabowday.
Wasiiru dawlaha amniga Somaliland Maxamed Muuse ayaa sheegay inu u Cabdimaalik Muuse Coldoon uu qirtay in uu si toos...
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta kulamo la qaatay Wasaaradaha Caddaaladda iyo Maaliyadda, isagoo kala hadlay hufnaanta nidaamka Maaliyadda, la dagaallanka musuqmaasuqa iyo sharreynta sharciga dalka.
Kulanka Maaliyadda waxaa guddoominayey Madaxweynaha, waxaana fadhiyay Wasiirka Maaliyadda, Wasiiru Dowlaha, Wasiir Ku Xigeenka, Agaasimaha Guud ee Wasaaraadda, Guddoomiyaha Bankiga Dhexe iyo Xisaabiyaha...
Diyaarad Militari oo laga leeyahay wadanka Kuweyd, ayaa madaarka magaaladda Berbera keentay caawimo loogu tallogalay dadka abaaruhu saameeyeen ee Somaliland.
Diyaaradan Militari ayaa siday 150 qoys raashinkooddii, waxana markiiba loo daad gureeyey goboladdii abaaruhu ka dhaceen.
Raashinkan oo iskugu jiray qaybo kala duwan, waxaana qaybtii ugu horeysay ee caawimadda, iyagoo sheegay...
Wararka ka imanaya degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in qarax loo adeegsaday gaaari xamuul ah goor dhaw uu ka dhacay xaafadda Kaawo Goday.
Warar hor dhac ah oo ka soo baxaya qaraxa ayaa sheegaya in gaari kuwa xamuulka ah oo laga soo buuxiyay walxaha qaraxa uu sababay dhimashada...
Xarakada Al-shabaab ayaa markii ugu horeeysay shaacisay mowqifkooda ku aadan madaxweeynaha cusub ee dalka, ayagoo sheegay in hogaanka cusub ee uu dalku yeeshay uusan waxba kaga duwanayn madaxdii hore.
Gudoomiyaha Al-shabaab ee gobolka Galgaduud Sheekh Xasan Yacquub Cali oo la hadlay warbaahinta afkooda ku hadasha ayaa sheegay in Madaxweeyne Max'ed...
Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug, ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan nabad-sugida maamulka Galmudug iyo ciidamo Mareynkan ah saldhig ka sameynayaan qeybo ka mid ah gobolka Mudug.
Saadiq Cumar Xassan oo ah taliyaha ciidamada nabad-sugida Galmudug oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalada ay fulinayaan ciidamada wada jirka...


















