https://youtu.be/WCYmiN48vNA
Taliska ciidanka Booliska Somaliland ayaa ka hadlay xadhiga agaasimaha TV-ga STAR TV Maxamed Baashe Xaaji Xasan iyo wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon, waxaanay sheegeen inay maxkamadda hor keeni doonno.
Afhayeenka Booliska Somaliland Faysal Xiis ayaa sheegay in agaasimaha star tv Maxamed Baashe loo xidhay inuu ku kacayy falal kicin dadweyne iyo...
Agaasimihii telefishanka maxaliga ah ee STAR TV Maxamed Baashe Xaaji Xasan ayaa xalay ciidanka amnigu xabsiga u taxaabeen.
Ciidanka amniga ayaan ka hadal sababta loo xidhay iyo wuxuu daaran yahay xadhigiiisu, haseyeeshee wariye Maxamed Baashe oo ah qoraa weyn oo ka mid ah dadka la qadariyo ayaa xadhigiisa loo sibir...
Madaxweynaha Ahlu Sunna ee gobollada dhexe Sheekh Maxamed Shaakir ayaa goor dhaw oo maanta ah ka degay magaalada Muqdisho, waxaana lagu wadaa in uu ka qeybgalo caleemo saarka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Safarka Sheekh Shaakir ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee uu ku tago magaalada Muqdisho tan iyo markii...
Hayada QM u qaabilsan arimaha carruurta ee UNICEF ayaa sheegtay in 1.4 malyan oo carruur ah ay nafaqo darro ku heyso 4 dal.
Dalalkaa ayaa kala ah Soomaaliya, Koofur Suudaan, Yemen iyo Nigeria. Dagaalka Koofur Suudaan ayaa sababay in carruur tiradoodu dhan tahay 462,000 ay nafaqo darro asiibto.
Dagaalka sokeeye ee...
Magaalada London ayaa lagu qabtay munaasabad lagu weyneynayay maalinta caalamiga ah ee Afka hooyo, taasi oo ay soo qaban qaabisay Akadamiyad Goboleedka Afka Soomaaliga ee AGA oo ah urur u heellan horumarinta Afka hooyo
Howl wadeennada Xafiiska AGA ee dalka Britain oo isaga yimid magaalooyin dhowr ah ayaa si...
Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in xaafada Islii ee Nairobi dalka Kenya lagu qabto xaflad lagu taageerayo Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo-International Mother Language Day oo sanad walba maanta oo kale markii taariikhdu tahay 21ka Febraayo la qabto.
Waxay ka dhici doontaa dhismaha Eastleigh Mall hoolkiisa weyn ee shirarka...
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/Laahi Farmaajo ayaa sheegay in $100,000 oo abaal marin ah lasiin doono qofkii soo sheega war lagu soo qaban karo gawaarida qaraxyada lagu soo xiro ka hor inta aan la qarxin dadna aan lagu dilin ama lagu dhaawacin.
Sidaa ayuu madaxweynuhu sheegay mar uu xalay...
Kadib qaraxii shalay dhowr iyo sodonka qof ay ku dhinteen ayaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/Laahi Farmaajo mar uu isbtaal ku booqday dadkii ku dhaawacmay uu ballan qaaday in dawlada Soomaaliya ay ka bixin doonto dadkaa qarashka daaweynta iyo ama daawada.
Shalay qarax ayaa lagu dilay dhowr iyo soddon...
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Mohamed Islaan "Madoobe" ayaa maanta galinkii hore soo gaaray magaalada Muqdisho si uu uga qayb-galo munaasabad-da caleema saarka madaxweynaha Somalia oo maalinta arbacad ah dhacaysa.
Axmed Madoobe iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho oo uu ka maqnaa mudadii...


















