Sarkaal Ka Tirsan Hay;adda NISA Oo Maanta Lagu Dilay Gudaha Suuqa Bakaaraha Ee Muqdisho.

0
551

Koox Hubeysan ayaa Galabta Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho agagaarka Daawada ku dishay Nin Magaciisa lagu soo koobay Daadirkeey oo la sheegay inuu ka tirsan yahay Ciidanka Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya Ee NISA .

Goobjoogeyaal ayaa Warsom.com U sheegay in Dilka ay geysteen Rag Bastoolado watay,Iyagoona dilka ka dib meesha ka baxsaday.

Ciidamo ka tirsan kuwa Amniga Soomaaliya ayaa Goobta uu dilku ka dhacay tagay, Baaritaanna Ka Sameeyey Halka Uu Falka Dilka Ah Ka Dhaay Iyadoona Aysan Jirin Ilaa Iyo Xiligaan Cid ay Falkaasi dilka ah u soo qabteen.

Falalka Amni Daro Ee Lagu Beegsanayo Shaqaalaha Dowlada Iyo Dadka Shacabka Ah Ayaa Waayahanaaba Kusoo Badanayo Gudaha Magaalada Muqdisho,Illaa Iyo Xilligaana Ma Jirto Hay;addaha Amaanka Ay Quseyso Arimahaani Wax Talaabo Ah Oo Ay Ka Qaadeen.

warsom2011@gomail.com