Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa Waxa La sheegayaa in Goor dhow ay Ciidamada Puntland Waqooyiga Gaalkacyo ku qabteen Nin soo xirtay Dharka Dumarka Islamarkaana Ay Ciidamada Sheegeen In Saacado Badan Ninkaani Ay Kudaba Jireen.
Ninkaani oo lagu qabtay Xaafadaha Waqooyi ee Magaalada Gaalkacyo ayaa la sheegay inuu Xirnaa Xijaab iyo Indha-shareer Waxaana Wali La Xaqiijinin Ujeedada Uu Ka Damacsanaa In Uu Xerto Dharka Dumarka.
Ciidamada Amaanka Ee Puntland ayaa hadda Baaritaan ku haya,Iyagoona Wali Aysan Sheegin Ujeedka Ninkaani Xertay Dharka Dumarka waxaana la dhigay Ninka la qabtay Xabsiga weyn ee Waqooyiga Gaalkacyo Ee Puntland.
warsom2011@gmail.com









