Warbixin ay soo saartay kooxda caalamiga ah ee xasaradaha adduunka "International Crisis Group" oo ay cinwaan uga dhigtay “Qatarta ay dalalka gobolka ku keeni karaan rajada Soomaalida” ayay diiradda ku saartay halista Madaxweeynaha cusub ee dalka uga iman karta dalalka deriska la ah Soomaaliya, oo ay sheegtay in ay...
-Ciidamo gadoodsan oo ka tirsan maamulka Puntland ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta dhismaha barlamaanka ee magaalada Garowe ,waxaana sida la sheegay ay ka cabanayaan mushaar la'aan haysatay bilihii la soo dhaafay.
Sawirro laga soo qaaday ciidamadan ayaa muujinaya gawaari nooca milatariga ah oo lagu hor-jaray hoolka Barlamaanka ,...
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Maxamed C/Laahi Farmaajo ayaa sheegay in miisaaniyada dalka Soomaaliya lagu wado in qarash dheeraad ah lagu kabo.
Shalay mar uu ka soo laabtay dalka Sucuudiga ayuu sheegay madaxweynuhu in madaxda Sacuudiga iyo asagu ka wada hadleen arimo dhowr ah. Arimahaa ayaa waxaa kujira codsi uu ka...
Ciidamadda maamulka Puntland ayaa xabsiga dhigay Nabadoon Cabdulqaadir Axmed Xarrago, oo dhawaan askarta Puntland ku eedeyay in ay jir-dilaan maxaasiibta u xiran eedeymaha Alshabaabnimo.
Nabadoonka, ayaa ka hadlay dhawaan in 7 dhalinyaro ah oo ku jira xabsiyadda si xun loola dhaqmay, waxaana uu ugu baaqay maamulka Puntland in ay saxaan...
Weeraradii lagu hayay ajaaniibta kunool Koofur Afrika asbuucaan gaar ahaan caasimada Pretoria ayaa joogsaday.
Si kastaba ha ahaatee, ururada bulshada rayidka ah ee dalkaa ayaa ka cabsi qaba inay mar kale bilowdaan weeraradaasi.
Shisheeye nacaybkii ama nacaybka ka dhanka ah soo galootiga ayaa dib u soo labo kacleeyay asbuucii tagay mar...
Wasiirka hore ee Maaliyada Puntland Faarax Cali Shire ayaa dhaliilay Hanaanka siyaasadeed iyo tan dhaqan dhaqaale Xukuumada Puntland ee u hogaamiyo Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas kadib shir Jaa'id oo u ku qabtey Maanta Xarunta Puntland ee Garowe.
Wasiir Faarax ayaa sheegay in hoos u dhac uu ku yimid Kalsoonidii...
Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaa lagu jir dilay qaar ka mid ah 7 dhalinyaro maxkamad ku xukuntay dil toogasho ah.
Nabaddoon C/qaadir Axmed Xarago ayaa VOA u sheegay in xaalada dhalinyaradaasi ay aad u xuntahay.
Nabadoon ayaa intaa ku daray in loo baahan yahay...
Maxkamadda Caalamiga ee ICJ ayaa dowladda Kenya u qabatay in ugu dambeyn dhamaadka sanadkan ku soo gudbiso jawaabteeda ku aadan dacwada Badda.
War ka soo baxay Maxkamadda The Hague ayaa looga dalbaday dowladda Kenya in 18-ka bisha December ee sanadkan 2017 ay ku soo gudbsio dacwada ka dhanka ah ee...
Madaxwyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa galabta dib ugu oo laabtey alka kadib booqasho rasmi ah oo uu ka heley madaxda dalka Sucuudiga isagoo la kulmey ninka dhaxalka bortooyada iyo Boqorka hada talada dalkaasi haya,Amiiro iyo madax kale.
Madaxweyne Farmaajo ayaa safarkii ugu horeeyey tan iyo intii loo doortey Madaxweynaha J.F.S...
Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in tuulooyin hoostaga gobolka, gaar ahaan deegaanka Cadalle ka dhaceen dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo beelleed.
Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in ilaa shan ruux geeriyoodeen dagaalka, halka sidoo kale tiro intaa ka badan uu dhac ka soo gaaray.
Xubno ka tirsan...


















