Doland Trump oo saxiixey wareegto lagu ballaarinayo Hawl galka Mareykanka ee Soomaaliya.

0
415

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, ayaa saxiixay wareegto lagu ballaarinayo howlgalka dalka Soomaaliya, ee lagula dagaalamyo Al Shabaab.

Wareegtada uu saxiixay, Trump, ayaa waxa ay wadada u xaareysaa in ciidamada Maraykanka ay howlgallo lagula dagaalamayo Al-shabab ka fulin karaan dalka Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa saxiixay, xeerar lagu difaacayo in dadka rayidka ay ay khasaare kasoo gaaraan, duqeymaha diyaaradaha mareykanka ay ka geystaan Soomaaliya, iyadoo la beegsanaayo kooxda Al Qaeda.

Afhayeenka waaxda gaashaandhigga mareykanka ee the Pentagon Captain Jave Devis ayaa sheegay in madaxweyne Trump uu ogolaaday hindise ay wasaaradda difaaca gudbisay oo dhigayay in la ballaariyo howlgalka taageerada lagu siinayo xoogagga midowga Afrika ee AMISOM.

Ciidamo Americaan ah ayaa soomaaliya, ku sugan kuwaasoo taageero siinaya ciidanka AMISOM.

warsom2011@gmail.com