Dadka deegaanka ayaa u sheegay in ay arkeen diyaarado jawi hoose ku duulaya oo dul-heehaabaya degmadda Owdheegle ee Gobolka Shabelaha Hoose.
Degmadda Owdheegle, waxaa gacanta ku haya oo maamulaya Al Shabaab.
Cadsi xooggan ayeey dadka deegaanka ka muujinayaan in diyaaradaha ay duqeyaan degmadda ama in Al shabaab ay madaafiic ku tuuraan...
Waxaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka soo degtay diyaarad siday qaxooti Soomaaliyeed oo mudo sanado ah kunoolaa dalka Jabuuti, kuwaa oo hada dalkooda dib loogu soo celiyay.
Qaxootigan Soomaaliyeed ee maanta soo gaaray Muqdisho ayaa ka koobnaa 28-qoys, waxa ayna dadkan si iskood ah u go'aansadeen...
Kaddib markii maalintii shalay uu ku dhawaaqay in uu xilkii iska casilay madaxweynihii dowlad gobolleedka Galmudug Cabdukariin Xusseen Guulleed ayaa dhinaca kale lagu dhawaaqay waqtiga la dooranayo madaxweynaha dowlad gobolleedka.
Xildhibaan Faysal Axmed Cabdulle oo ka mid ah xildhibaanada Galmudug ayaa sheegay in doorashada Madaxweynaha Galmudug in ay dhacdo 20...
Dowlada Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in la ballaarinayo howl galada milateri ee ay ka wado Soomaaliya, kaasoo ka dhan ah Kooxda Al-Shabaab.
Saraakiil ka tirsan waaxda Pentagong-ka Mareykanka ayaa u sheegay Wakaalada wararka ee AP in la kordhinayo howl galada milateri ee Soomaaliya, xilli uu sii kordhayo wal walka Mareykanka...
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka dalbaday dhex dhexaadnimo ay ka sameyso Sacuudiga sidii ay ugu qancin lahayd dowladda Isku taga Imaaradka Carabta in aysan dhamaystirin saldhig Milateri ay ka dhisato Dekada Barbera ee maamulka Somaliland.
Warbixintan ayaa lagu daabacay barta jariidada Riyad Post ee kaso baxda Sacuudiga waxana...
Waxaa lagu guuleysan la’ yahay in damiyo dab xoogan oo saqdii dhexe ee xalay qabsaday qeybo badan oo ka mid ah suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha, halkaa oo ay saakay isugu tageen inta badan ganacsatada reer Muqdisho oo ku dadaalaya sidii dabka loo damin lahaa.
Gaadiidka dab damiska ayaa...
Magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota, ayaa shalay waxaa albaabada loo furay xarun ganacsi oo ay Soomaalidu leedahay.
Xaruntan oo lagu magacaabo Jigjiga Business Center, ayaa waxaa la wareegay Khadar Jigre Aadan oo ah ganacsade Soomaaliyeed oo yeeshay xaruntii ugu horreysay ee ganacsi ee ay Soomaalidu ku yeelato gobolkan Minnesota.
Xafladdii furitaanka...
Masuuliyiin ka socotay shirkadda Dubai Port Wolrd ayaa kulan la yeeshay madaxda shaqaalaha muruqmaalka ee dekadda Berbera, waxaana la sheegay inay ka wada hadleen qandaraas ay wada gali doonaan shirkada iyo muruqmaalka dekada Berbera.
Kulankan oo ay warbaahintu dibad joog ka ahayd oo shalay ka dhacay hudheelka Maansoor magalada Berbera...
-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Muqdisho ee uu howlo shaqo u joogo ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin Dagaal beeleedka ka dhacay deegaanno hoosyimaada degmada Cadale ee gobolka shabeelaha dhexe,Abaaraha ka jira deegaannada Hirshabeelle, iyo Golaha Wasiirada...
Madaxweynahii Maamul Goboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay inuu iska casilay xilkii Madaxweynenimadda Galmudug, Sababo la xariira xaga caafimaadkiisa sida uu sheegay.
Dhawaan ayaa Baarlamaanka Maamulka Galmudug waxaa ay sheegeen in xilkii ay ka qaadeen C/kariin Xuseen Guuleed in kastoo uu diiday xil ka qaadista.
Halkaan ka Akhriso


















