QM ayaa soo dhaweysay soo jeedin ah in Soomaaliya lagu abuuro bataati adkeysi u leh abaaraha.
Dadaalka lagu abuurayo bataatigaa adkeysiga u leh abaarta iyo saameynteeda ayaa waxaa wada laanta socdaalka ee QM ee IOM. Waxaa kala shaqeyneysa hayad maxali ah oo lagu magacaabo READO.
Bataatigaa oo loo yaqaano magaca OFSP...
13 qof oo muhaajiriin ah ayaa konteenar ku neef qabatoobay kuna dhex dhinta dalka Liibiya.
Dadkaa ayaa kasoo jeeda badankood ama kulli Afrika gaar ahaan bartamaha Saxaraha iyo wixii ka hooseeya ee koofur ka xiga. Dadkaa ayaa konteenarka ku dhex xirnaa ilaa dhowr maalmood.
Waxaa la sheegay oo wararka aanu heleyno...
Shisheeye nacaybkii ama nacaybka ka dhanka ah soo galootiga ayaa dib u soo labo kacleeyay ama mar kale dib uga bilowday Koofur Afrika-South Africa.
Weeraro iyo dibad baxyo Koofur Afirkaan ay wadaan ayaa socda. Biliiska dalkaa ayaa xabadaha cinjirka ah ku riday dibad baxeyaal caasimada dalkaa ee Pritoria.
Sidoo kale ayaa...
Stephen O'Brien, oo jago sare oo dhanka arimaha gargaarka ah ka haya QM ayaa damacsan inuu dhawaan u socdaalo Soomaaliya iyo Yemen.
Stephen O'Brien ayaa sidoo kale la filayaa inuu soo gaaro dalka Kenya waa sida afhayeen u hadlay QM uu warbaahinta u sheegay shalay.
"Saddexda dalba, Mr. O'Brien wuxuu kula...
Dibadbax lagu taagerayo Raisulwasaaraha cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa manta waxaa uu ka dhacay Taalada Daljirka-Dahsan ee magaaladda Muqdishu.
Banaanbaxa ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay maamulka Gobolka Banaadir, waxaana kasoo qeyb-galay duqa magaaladda Muqdishu, Yuusuf Xuseen Jimcaale, Xildhibaano iyo odaydhaqameedyo.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa sheegay in shacabka reer Muqdisho...
Raisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Khayre ayaa maanta la kulmay safiirka Dowladda Ingiriiska u jooga Soomaaliya Divid Concar.
Labada dhinaca waxaa ay ka wada hadleen xiriirka Diplomaasiyadeed ee labada dowladood, sida Khayre uu sheegay.
Mudane, Xasan Cali Khayre, ayaa la kulmay David Concar, maalin ka dib markii loo magacaabay Raisalwasaaraha cusub ee Soomaaliya.
Dowladda...
Tuulo lagu magacaabo Keyn ooman oo qiyaastii 38Km u jirta deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgduud ee Soomaaliya, waxaa Gaajo iyo Haraad ugu geeryooday Aabe iyo laba carruur ah oo uu dhalay.
Ugu yaraan 11 ruux ayaa todobaadkaan Gaajo iyo Haraad ugu geeryooday deegaanka, sida uu sheegay Ugaas Salaad Ugaas Maxamed...
Ugu yaraan saddex ruux oo la sheegay in ay Miino ku aasayeen dhulka ayaa geeryooday, kadib markii ay ku qaraxday miinadii ay aasayeen.
Dhacdadaan waxaa ay ka dhacay Deegaanka Biyo Cade ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, sida goob-joogayaal ay shegeen.
Dadka degaanka waxaa ay shegeen in saddexda ruux meydkooda lagu arkay deeganka...
Guddoomiyihii hore ee guddiga doorashada Kenya Axmed Isxaaq Xassan ayaa la-taliye dhanka doorashooyinka ah ka noqday Soomaaliya.
20kii bishii hore ayuu xilka guddoomiye cusub ku wareejiyay waa xilkiisii guddoomiye ee uu ka hayay guddiga doorashooyinka ee IEBC. Jimcaha maanta ah ayaa wararku nagu soo gaarayaan inuu ka dagay Muqdisho halkaa...
Dawladda Itoobiya ayaa Somaliland ku wareejiyey 18 baabuur oo nooca isjiidka ah oo caawimo loogu tallogalay dadka abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan bariga Somaliland.
Raashinkan ayaa ka koobnaa 72 kun oo tan, waxaanay sheegtay inay Itoobiya inay kala qaybqaadanayso gurmadka loogu jiro dadka abaaruhu waxyeeleeyeen ee ku dhaqan Somaliland.
Raashinkan ayaa...


















