Friday, August 14, 2026
Rag hubeysan ayaa xalay degmadda Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir, ku dhaawacay Maxamed Isaaq Tubane, oo la sheegay in uu ka mid ahaa Ergadii Xildhibaannada ku soo dooratay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, sida goob-joogayaal ay sheegeen. Weerarka  ayaa waxaa uu ka dhacay xaafadda Nuur Aduunyo. Ciidanka dowladda oo gaaray goobta dilka...
Rag hubeysan ayaa xalay degmadda Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir, ku dhaawacay Maxamed Isaaq Tubane, oo la sheegay in uu ka mid ahaa Ergadii Xildhibaannada ku soo dooratay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, sida goob-joogayaal ay sheegeen. Weerarka  ayaa waxaa uu ka dhacay xaafadda Nuur Aduunyo. Ciidanka dowladda oo gaaray goobta dilka...
Ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre iyo gollihiisa wasiirada ayaa lagu wadaa in ay maanta hortagaan fadhiga xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya si ay u weydiistaan codka kalsoonida. Maalmihii ugu danbeeyayba waxaa jiray cabasho xoogan oo xildhibaannada qaarkood ay ka muujinayeen habka loo soo dhisay xukuumada oo ay ku tilmaamay mid baalmarsan awoodqeybsiga...
Ra'isal wasaaraha Ingiriiska, Theresa May, ayaa saxeexday warqaddii sida rasmiga ah UK ay ugaga baxaysay Midowga Yurub. Waxay ogaysiis rasmi ah oo waafaqsan qodobka 50-aad ee heshiiskii Lisbon, u gudbin doontaa madaxweynaha golaha Yurub, Donald Tusk, maanta oo Arbaca ah. Warbixin ay siisay golaha baarlamanka Ingiriiska, ayey Ra'isal Wasaaruhu ugu sheegtay...
Shirka madaxeedkii Jaamacadda Carabta ayaa maanta ka furmaya caasimada dalka Jordan ee Cammaan ,waxaana ka qeyb galaya madaxada wadamada ku jira ururka. Shirka qodobada looga hadlayo, waxaa ka mid ah abaaraha ka jira Soomaaliya ,dhibaatooyinka ay la kulmayaan Falastiniyiinta, dagaalada ka socda Yemen. Warbaahinta caalamka oo soo xiganaysa madaxda ka tirsan...
Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay wakhtiga, tirada guud ee iska diwaangalisay wadanka iyo gobol waliba inta ka diwaangashan. Sidoo kale, waxa uu guddida doorashooyinku soo saaray wakhtiga la qaybinayo Kaadhadhka doorashooyinka lagu galayo oo ay saddex qaybood u qaybiyeen. “Guddida doorashooyinku wuxuu maanta si rasmi ah ugu dhawaaqayaa in...
Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika waxa ku geeriyooday Ahmed Kathrada oo ka mid ahaa shaqsiyaadkii u soo halgamay in dalka laga saaro xukunkii midab takoorka. Waxa uu xiriir dhow la lahaa madaxweynihii hore ee dalkaasi Nelson Mandela, kaasi oo ay muddo 18 sano ah ku wada xirnayeen xabsiga Robben...
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo uu weheliyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa kormeer ku tagay deegaanka Garas Baaleey ee duleedka Muqdisho, halkaasoo ay ku nool yihiin qaar ka mid ah dadkii ka soo barakacay gobollada dalka ee ay abaaruhu saameeyeen. Ra’iisal wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimada ay...
Dowladda Finland ayaa deeq lacageed oo gaareysay 25-million oo dollar, ugu deeqday wadamo ku yaalla Africa, oo ay Soomaaliya ka mid tahay. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Finland, Kai Mykkänen, ayaa sheegay in deeqdaasi loogu talagalay 5 Waddan oo Afrikaan ah, oo ay ka jiraan macluul ka dhalatay Abaaraha iyo Colaadaha. Lacagaha...
Col. Maxamed Jamuus, Col. Cawil Balcade iyo Sarkaal kale, oo ka tirsanaa maamulka Puntland ayaa ku geeryooday shil gaari oo ka dhacay gobolka Nugaal. Masuuliyiinta maamulka Puntland , ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid saraakiishaasi. Madaxweynaha Maamulka Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa tacsi u diray, ehelada iyo ciidamada maamulka Puntland. Halkaan...