Goor dhaw ayaa lagu dhawaaqay gddoomiye ku-xigeennada gobolka Banaadir uu yeelanayo iyo Xoghayaha cusub ee gobolka, iyadoo gabi ahaanba la badalay guddoomiye ku-xigeennadii hore.
Is bedelka lagu sameeyay Kuxigeenadii hore ee Gobolka Banaadir iyo Xoghayaha Guud ayaa ahaa mid soo socday labadii todobaad ee u dambeeyay, waxaana ay qeyb ka aheyd is bedelkii uu ku yimid guddoomiye Taabid.
Labo Haween ayaa ka mid ah Guddoomiye kuxigeenada cusub iyo Xoghayaha Guud, taasoo noqoneysa markii u horeysay oo Haween ka mid noqdaan Mas’uuliyiinta sare ee Maamulka Gobolka Banaadir.
Akhriso magacyada guddoomiye ku-xigeennada cusub :
Gudoomiye kuxigeenadda iyo Xoghayaha Guud Ee Maamulka G/Banaadir oo labadalay.
1- Guddoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda waxaa loo magacaabay. Marwo Muluuka Dheere Sheekh C/qaadir
2- Guddoomiye ku Xigeenka Siyaasada iyo Amniga waxaa loo Magacaabay: Mudane Saalax Sh.Maxmaed
3- Guddoomiye Kuxigeenka Arimaha Bulshadda waxaa lo magacaabay: Mudane C/llaahi Xaaji Erig.
4- Guddoomiye Ku xigeenka Howlaha Guud waxaa loomagacaabay: Aadan Sh Cali
5- Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir waxaa loo magacaabay: Subeyda Maxamed Mukhtaar
warsom2011@gmail.com








