Thursday, August 13, 2026
Dagaalyahanada Xarakada Al Shabaab ayaa gaari iyo dadkii saarnaa kasoo afduubtay Xadka dowladaha Soomaaliya iyo Kenya. Gaariga ayaa la sheegay in ay saarnaayeen laba ruux oo kenyaan ah, sida uu sheegay Guddoomiye Ku Xigeenka Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, Sahal Macalin Maxamuud. Dadka deegaanka iyo maamulka ayaa sheegay in kooxda Al...
oomiyaha Magaaladda Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug Xirsi Yuusuf Barre, ayaa sheegay in dib loo furaayo dhamaan wadooyinka dhex mara magaaladda Gaalkacyo. Gudoomiyaha ayaa sheegay, in ciidamo labada dhinac ah ay ku sugan yihiin wadooyinka xiran, balse hada ay wadaan sidii Ciidamadaasi halkaa looga kaxeyn lahaa. Maamulada Puntland iyo Galmudug, ayaa...
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xalay casho sharaf u sameeyey Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoona uga mahad noqay ansixinta Xukuumadda iyo Barnaamijkeeda. Waxaa jira warar sheegaya, in kullanka ay ka maqnaayeen xildhibaano ka mid ah kuwii shalay ka soo horjeestay ansixinta Gollaha wasiiradda. Kullankii cashada...
Iyadoo dhawaan baarlamaanka dowlad gobolleedka Galmudug uu shaaciyay in 10ka bisha April la dooran doono madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug, ayaa dhinaca kale war ka soo baxay maamulka gobollada dhexe ee Ahlu Sunna Waljameeca waxaa ay ku baaqeen in aan lagu deg degin doorashada madaxweynaha fursadna la siiyo si ay...
Wada hadaladii ay lahaayeen maamulada Soomaaliland iyo Khatumo ayaa laga soo saaray qodobo la sheegay in labada dhinac isku afgarteen. Qodoban ayaa dhinaca kale muujinaya in wali wada halada sii soconayaan oo aysan dhamaan. Qodobada ayaa u dhignaa sidan : 1- Waxaa la isla qaatay in si sugan looga wada Shaqeeyo Arinta...
Gollaha gollaha wasiirada oo maalintii shalay codka kalsoonida ka hellay baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta oo Khamiis ah yeeshaan kulankoodii ugu horeeyay. Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa maalintii shalay iclaamiyay kulan deg deg ah oo ay yeelan doonaan xubnaha gollaha wasiirada kaa oo diirada lagu saari...
Shirka London Somalia Conference, waxaa uu dhacayaa 11 bisha May ee sanadka 2017, waxaana kasoo qeyb-gali doona, madax ka kala socota dhamaan wadamada Bariga Africa, marti sharaf iyo shaqsiyaad ka kala socda hey’adda caalamiga ah. Shirka waxaa diirada lagu saari doonaa.: 1-      Xaqiijinta ammniga 2-      Dib-uhabeynta siyaasada iyo dowladnimada 3-      Hormarinta dhaqaalaha 4-      Heshiisyo cusub Sandkii 2011, dalka Soomaaliya...
Wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa sheegeysa in ku-dhowaad 150 Tahriibayaal ah laga cabsi qabo in ay ku dhinteen Badda Mediterranean-ka ee dalka Libya. Tahriibiyaasha oo watay doomo macmal ah ayaa la fahansanyahay in ay ka bexeen Magaaladda Sabratha oo xigta Waqooyiga dalka Libya, waxaana ay kusii jeedeen dalka Talyaaniga. Howlgalka Samata-bixinta,...
Saaka waxaa dekadda magaaladda muqdishu la sheegayaa in uu kusoo xiran la’yahay markab konteenaro wado, waxaana laga cabsi qabaa in uu soo caariyo. Sidoo kale dad ku sugan dekadda, ayaa WARSOM u sheegay, in shalay markab weyn oo konteenaro wada, uu sidan oo kale ugu soo xiran waayay dekadda, waxaana...
Duulimaadkii u horeeyay oo si  toos ah uga baxa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee  Muqdisho ayaa lagu wadaa in uu si toos ah uga degto garoonka diyaaradaha Jomma Kenyatta ee Magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Waxaana maanta si toos ah u dhaqan geli doona heshiiskii ay maalmo ka hor ku...