Saaka oo Arbaca ah waxaa xiran inta badan wadooyinka dhex-mara magaallada caasimada ee Muqdisho, munaasabada 12 April awgeed.
Munaasabada xuska 12 April ayaa lagu wadaa in maanta lagu qabto magaalladda.
Maanta wadooyinka muhiimka ee muqdishu laguma arkaayo, gawaarida dad weynaha iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay, keliya waxaa magaalladda dhex-socda...
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed, ayaa hambalyo ku-aadan 57-guuradii ka soo wareegatay, markii la aas-aasay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya u diray ciidamada Qalabka sida.
12 April, ayaa loo dabaaldegaa munaasabada xuska ciidanka, waxaana xaflado lagu xusayo ciidanka lagu qabtaa magaallooyinka dalka Soomaaliya.
“12 April oo ku began...
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kormeer shaqo ku tagey xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya oo sidoo kale ay dagan yihiin Wasaaradaha Caafimaadka iyo Qorshaynta. Wuxuna u guur galayay qaab howlleedka shaqo ee Wasaaradahaasi ka socda.
Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre ayaa mid-mid u galay...
Wasiirka Waxbarashadda Somaliland Cabdilaahi Ibraahim Habanne (Cabdilaahi Dheere) ayaa sheegay in saddex jaamacadood oo wadanka ku yaala kala noqdeen rusqaddii jaamacadnimo ee markii hore siiyeen.
Wasiirka waxbarashada ayaa sheegay in guddida tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashadda baadhitaan dheer oo ay galeen iyo qiimayn ay ku sameeyeen ku ogaadeen in shuruudihii...
Xukuumadda Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay xubno ka mid ah culimaddii dhawaan ku dhawaaqay urur Diimeed ay ugu magac dareen Al-Saaciduuna Bil Xaq kaas oo ay ku sheegeen in ay wadeen qorshahiisa muddo 45 sanadood ah.
Waxaana kooxdan culimada ah ay dhawaan hal mar uun kaga wada dhawaaqeen magaalooyinka Hargeysa,...
Saraakiisha dowladda Kenya ayaa sheegay in howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Ceel-waaq ee gobolka Gedo ku dileen 15 ka tirsan xoogagga Al-shabaab.
Afhayeen u hadlay militariga dowladda Kenya oo lagu magacaabo Col. Joseph Owuoth ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee ka tirsan howlgalka midowga Africa AMISOM ku dileen 15 ka...
Degaanadda maamulka Jubbaland ayaa qeyb ka ah meelaha ay sida daran u saameysay abaaraha sanadkan ku dhuftay dhulka Soomaalidda.
Wasiir ku-xigeenka Arimaha Gudaha Maamulka Jubbaland, ayaa sheegay in xaaladda abaareed ee ka Jirta deegaanada Jubbaland in ay tahay mid saameyn lixaad leh ku reebtay Dadka iyo Duunyadda.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradaasi ahna...
Maamulka Degmada Hobyo, ayaa sheegay in ay soo furteen Doon nooca ganacsiga ah oo gacanta ugu jirtay kooxaha Burcad-baddeed Soomaalidda.
Kooxdii heysatay doonta ayaa la sheegay in ay la baxsadeen shaqaalihii saarnaa, balse hadda waxaa ay maamulka gacanta ay ku hayaan doonta oo laga leeyahay dalka India.
Guddoomiyaha degmada Hobyo Cabdullaah...
Dowladda Imaaraadka ayaa si buuxda ula wareegtay dekadaha iyo garoomaha diyaaradaha ee Berbera iyo Boosaaso, waxaana sidoo kale la filayaa iney la wareegto qeybo muhiim ah oo katirsan magaaladda Muqdisho.
Lacag aad utira badan ayay Shirkadda DP World ee fadhigeedu yahay dalka Imaaradka Carabta ay siineysaa maamulada xakuma magaalooyinkaas yo...
Ugu yaraan 10 ruux oo ay ka mid yihiin saraakiil ka tirsan militariga dowladda Soomaaliya ayaa ku dhintay weerar ismiidaamin ah oo saacado ka hor ka dhacay xero ciidan oo ku taala warshadii Nacnaca degmada Wadajir ee gobolka Banaadir
Sidoo kale weerarka waxaa ku dhaawacmay tiro ka badan 15 ruux...


















