Friday, August 14, 2026
Wasiirka Warfaafinta Xukumadda Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow, ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay kala shaqeeyaan sidii looga hortagi lahaa Urur Diimeed dhawaan qeybo ka mid ah Soomaaliya looga dhawaaqay. Qoraal boggiisa Facebook-gga uu soo dhigay ayuu wasiirka kaga hadlay, Baaq ay soo saareen Culumadda Soomaaliyeed oo ay kaga...
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa saaka xukun min 10 sano oo xabsi ciidan ah ku xukuntay, laba ruux oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Xarakadda Al Shabaab. Maxkamadda ayaa ku eedeysay labada ruux oo lagu kala magacaabo Maxamed Cali Kediye iyo Xuseen Xaashi Cabdullahi, in lagu soo...
10-kii maalmood ee lasoo dhaafay weerarro is-daba joog ah ayaa ka dhacay Soomaaliya, haba ugu badnaadaanee kuwii ka dhacay magaalladda Muqdishu. 28-qof oo rayid ah ayaa ku geeriyooday weerarradaasi, halka 31 kalana ay ku dhaawacmeen. Weerarrada ayaa intooda badan waxaa ay ka dheceen meelo ay dadka rayidka ah ay ku badanyihiin,...
Taliyaha Ciidamada Ilaalada xeebaha maamulka Galmudug Maxamed Yuusuf Xaashi, ayaa sheegay in koox burcad-baddeed ah oo ciidamadooda gacanta ugu jira in ay maxkamadeeyn doonaan dhawaan. Ciidamada Galmudug ayaa gacanta ku haya sida ay sheegeen 4 ka tirsan koox Burcad-Baddeed ah oo horey u Afduubtay Doon u rarneyd Ganacsato Soomaaliyeed oo...
Sanadkan 2017-ka, 337 qof oo shacab ah ayaa ku geeryooday 87 Qarax oo ka dhacay Soomaaliya. Khasaaraha dadka rayidka ah kasoo gaaray qaraxyada ayaa 50% sara u kac uu ku yimid marka loo eego sanadkii 2015. Qaraxyadaasi ayaa inta badan waxaa ay ka dheceen magaalladda caasimada ee Muqdishu. Haddaba WARSOM ayaa la hadashay...
Xarunta Jaamacadda Kismaayo oo saldhig u ah ciidamada xoogga dalka qeybtooda magaalada Kismaayo ayaa waxaa saaka lagu qabtay munaasibad loogu dabaaldegayay 57-sano guuradii kasoo wareegtay aasaaskii ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Ciidamo ka tirsan kuwa Qaranka, mudo dheerna uu tababar uga socday Xarunta Jaamacadda Kismaayo ayaa goobta kusoo bandhigay xirfado dhanka...
Ehelada nin dhawaan ciidamada Kenya ay ku xireen gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa beeniyay in eedeymo loo soo jeediyay oo ahaa nin uu ka tirsan yahay kooxda Daacish iyo kooxaha wax tahriibiya. Nabadoon Axmed Xusseen oo ka mid ah ehlada eedeysanaha xiran ayaa warbaahinta u sheegay in waxba kama jiraan...
Diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya, ayaa duqeeyay saldhigyo Al Shabaab ay ku leeyihiin gobolka Jubbada Hoose ee Koofurta Soomaaliya. Duqeynta ayaa ka dhacday deegaanka Kaanjaroon oo qiyaastii 60km koonfur ka xiga Magaalladda Kismaayo. Sidoo kale waxaa jira warar kale oo sheegaya in diyaaradaha ay duqeeyeen deegaanka Beer-naas, oo 60km u jira Magaalladda...
Masuuliyiinta maamulka Galmudug iyo Ahlusuna Wal-jameeca ayaa ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco wada hadal uga furmo magaalada caasimada ee ah Muqdisho. Wada hadalkan oo ay garwadeen ka tahay dowladda Federaalka ayaa lagu dhex dhexaadinayaa khilaafka labada dhianc u dhaxeeya, isla markaana ku dhistaan maamul mideysan. Dhinaca maamulka Galmudug waxaa...
Dowladda Imaaraadka carabta ayaa ku dhawaaqday barnaamij cusub oo gar-gaar bani’aadanimo lagu gaarsiinayo dadka  Soomaaliyeed ee abaaraha ay saameeyeen. Barnaamijka cusub ayaa dowladda ay sheegtay in loogu magac daray ((li'ajligaada soomaaliyeey - لأجلك يا صومال  For Your Sake SOMALIA 🇸🇴)), waxaana taakuleyntaasi iyo ololaha gar-gaar, ka wada qeyb-qaadan doonna, Dowladda...