Friday, August 14, 2026
Goor dhaw ayaa lagu dhawaaqay gddoomiye  ku-xigeennada gobolka Banaadir uu yeelanayo iyo Xoghayaha cusub ee gobolka, iyadoo gabi ahaanba la badalay guddoomiye ku-xigeennadii hore. Is bedelka lagu sameeyay Kuxigeenadii hore ee Gobolka Banaadir iyo Xoghayaha Guud ayaa ahaa mid soo socday labadii todobaad ee u dambeeyay, waxaana ay qeyb ka...
Waqti abaaro baahsan oo saameeyay dadka duunyada ay ku dhufteen dhammaan gobollada dalka Soomaaliya ayuu gurmad baaxad leh gaarayaa dadka abaartu dhibaataysay. Jaaliyadda Soomaalida dalka Ingiriiska ayaa Gargaar ugu deeqday boqolaal qoys danyar ah oo kunool gobollada Bay iyo Bakool oo kamid ah meelaha ugu daran ee abaartu ragaadisay. Deeqdaan oo...
Maxkamada ciidamada qalabka sida qeybta 60aad ayaa xukun dil ah ku fulisay subaxnimadii hore ee maanta oo Isniin ah afar dhalinyaro ah oo ku eedeysnaa in ay ka tirsanaayeen ururka Al-shabaab. Dhalinyarada la toogtay ayaa lagu kala magacaabaa Xassan Aadan Mursal, C/ladhiif Macalin Aadan Cabdiraxmaan, Siyaad Xassan Faarax iyo Sharmad...
Dowladda Mareykanka ayaa sheegay in kooxaha burcad badeedka ay ku soo laabteen biyaha ka baxsan xeebaha Soomaaliya, hasse ahaatee Mareykanku waxaa uu sheegay in korarka burcad badeeda ee maraakiibta ganacsi wali noqon kuwo leh jiho loo raaco. Weeraradan cusub ayaa imanaya kadib shan sano oo uu gobolka ka nastay weerarada...
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida qeybta 60-aad ayaa saaka magaalladda Baydhabo ku toogatay Afar qof oo Maxkamadda sheegtay in ay ka tirsanaayeen Al Shabaab. Afarta nin ee maanta la toogtay ayaa lagu eedeyay in ay ku lug lahaayeen Qaraxyo Dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay Magaalladda Baydhabo Bishii February...
Ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa iska caabiyay weerar ay xalay kusoo qaadeen dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab. Ciidanka la weeraray ayaa saldhigyo ku leh Duleedka Degmadda Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose. Maamulka degmadda wali kama hadlin dagaalkii xalay dhex-maray ciidanka AMISOM oo garab ka helaya kuwa dowladda Soomaaliya iyo...
Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa kulan dheer la qaatay Safiirka UK ee Soomaaliya David Concar oo ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin horumarinta warbaahinta dalka, Shirka London ee 11ka May iyo arrimo kale. Wasiir Eng. Yarisow ayaa Safiirka UK uga mahadceliyey...
Natiijada Doorashaddii dalka France-ka ee la sugayay ayaa lagu dhawaaqay, taas oo filan-waa noqotay, sida siyaasiyiinta ay sheegayaan. Emmanuel Macron iyo Marine Le Pen, ayaa usoo gudbay wareegga labaad ee doorashada madaxtinimo ee Faransiiska. Musharaxa Xisbiga Dhexe Emmanuel Macron ayaa gacmaha kor u taagay inti uu u khudbeynayey taageerayaashiisa kadib doorashadi...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta siweyn loogu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baydhabo oo safarkiisii ugu horeeyay uu ku tagay tan iyo markii la doortay xilka madaxweynaha. Madaxweynaha waxaa safarkiisa ku wehlinayay wasiirka difaaca Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed, wasiirka gargaarka iyo...
Inta la xaqiijiyay sagaal askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa ku geeriyooday weerar miino oo ka dhacay deegaanka Gal-gala oo ay isku hor-fadhiyaan ciidamada Puntland iyo kuwa daacad u ah ururka Al-shabaab. Taliyaha aag-ga Gal-gala Gashaanle Cabdiraxmaan Faarax Gurxan oo waraysi kooban siiyay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in qaraxa...