Qarax ay ku dhinteen 19 ruux oo ka dhacey dalka Ingiriiska/yaa ka danbeeyey ama sheegtey masuuliyadda arrinkaas?.

0
610

 Ugu yaraan 19 qof ayaa dhintay halka 50 kalana ay ku dhaawacmeen kadib, markii weerar Qarax ah uu ka dhacay goob xaflad ay ka socotay oo ku taalla magaalladda Manchester ee dalka UK.

Qaraxa wuxuu ka dhacay dibedda saaxadda heesaha lagu tumo ee Manchester wax yar ka dib markii uu dhamaaday bandhig-faneed, iyadoo dadka ay isku dayayeen inay baxaan.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay inay maqleen dhawaq xooggan markii ay dhamaadeen heeso ay goobtaasi si toos ah uga qaadeysay Ariana Grande, oo ah fanaanad caan ah oo u dhalatay Mareykanka.

Waxa sababay qaraxa lama garanayo, balse Ra’iisal wasaaraha Britain, May, ayaa sheegtay in falkani ula dhaqmayaan inuu yahay mid argagixisnimo.

Ciidamada Boliiska dalka Ingiriiska, ayaa sheegay in ay wali uruurinayaa xogta ku saabsan weerarka, waxaana dhinaca kale ay sheegeen in ay weerarka ula dhaqmayaan mid argagixiso.
Boosteejada tareenada Manchester Victoria oo u dhaw goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa la xiray, waxaana la baajiyay dhammaan safaradii tareenada ee qorsheysnaa.

Warar aan la xaqiijinin oo laga soo xigtay mas’uuliyiin aan magacooda la asheegin oo Mareykan ah ayaa sheegaya in qof is qarxiyay uu weerarkaasi geystay.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada weerarka.

Warbaahinta dalka Ingiriiska, ayaa maanta aad u warineysa qaraxa iyo khasaaraha ka dhashay.

warsom2011@gmail.com