Friday, August 14, 2026
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo ayaa siweyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha Bole International Air Port ku soo dhoweeyay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desaleg iyo madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Max’uud Cumar. Madaxweyne Farmaajo ayaa...
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha Cusub ee  Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf Oo Maanta Lagu doortay  Magaalada Cadaado ee xarunta KMG u ah  maamulka Galmudug. Madaxweynaha ayaa sheegay doorashada ka dhacday Magaalada Cadaado in ay tahay mid Taariikhi ah oo horumar u ah reer...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa maanta u duulay magaalladda Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia. Madaxweynaha ayaa Booqashadiisa waxaa ay tahay mid hal maalin ah, waxaana uu martiqaad rasmi ah uu ka helay Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn. Waa safarkii ugu horeeyay ee uu ugu ambabaxo dalka...
Waxaa goor dhaw soo dhamaatay wareegii labaad doorashada madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug oo ay ku tartameen ilaa saddex musharax. Wareega labaad waxaa isugu soo haray musharixiinta kala ah Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo musharax Axmed Cali Hiloowle, waxaana ugu danbeyntii xilka madaxweynaha maamulka Galmudug ku guuleystay Axmed Ducaalle Geelle Xaaf...
Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay Qarax ka dhacay magaalladda Kabul ee caasimada dalka Afgaanistan, sida saraakiisha caafimaadka ay sheegeen. Qaraxa waxaa  fuliyay qof isku soo xiray waxyaabaha Qarxa. Wahid Mahrouh, oo ah afhayeenka Wasaaradda caafimaadka dalka Afgaanistan, ayaa sheegay in Afar qof ay dhinteen halka 36 kalana ay dhaawameen. Ciidamada...
Ex Wasiirki Hawlaha Guud ee Xukuumada rw Khayre oo lagu magacaabi jirey Cabbaas SH/ C/llaahi SIRAAJI ayaa caawa ku geeryoodey Magaalada Muqdisho Allaha u naxariistee Marxuumka ayaan wali la faah faahin arinta Geerida wasiirkii hore ee Hawlaha Guud. Warar ayaa sheegaya in wasiirka ilaaladiisa iyo kuwa Hanti dhawrka guud Nuur...
Wasiirka  Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland,Cismaan C/llaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa sheegay in munaasinadihii loogu dabaaldegi jiray maalinta madax banaanidda Somaliland ee 18 May la joojiyey abaaraha jira awgeed. Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in dabaaldegii lagu weynayn jiray 18 may ee dhaqaalaha badan ku bixi jiray sanadkan la joojiyey, isla markaana dhaqaalahaasi...
Ciidanka Booliska Somaliland ayaa habeen hore la sheegay inay soo xidheen macalimiin iyo arday hablo ah oo wax ka dhiganayey madarasad ku taala magaaladda Hargeysa. Madarasadan ayaa ahayd mid hablaha gaar u ah,isla markaana ay dhigtaan hablaha yar yar ee qurbaha laga soo celiyo, waana dugsiyadda la seexdo (Boarding School),ardaydan...
Maanta magaalladda Cadaado waxaa ka furmaya doorashada madaxtinimada maamulka Galmudug. Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa, xildhibaanno ka tirsan Labada Gole iyo siyaasiyiin ayaa Magaalladda Cadaado, dhawaan ku qul-qulayay, si ay marqaati uga noqdaan doorashada. Guddiga doorashooyinka Galmudug ayaa sheegay in illaa saddex musharax ay ku tartamayaan doorashada...
Ra’iisul wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa maanta daah-furay kulan wadatashi (Retreat) labo cisho ah oo ay xubnaha golaha wasiirada ku dar-dargelinayaan waxqabadka xukuumadda. Ujeedada kulankan labada cisho ah oo ay wasiiradu ku gorfeynayaan qorshe-howlleedka xukuumada ayaa ah sidii qorsheyaasha wasaaradaha ay u noqon lahaayeen kuwo mideysan oo...