Howlgal ballaaran oo lagu sugayo guud ahaanba amniga caasimada Muqdisho ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxaa ka soconayay qeybo ka mid ah magaalada, gaar ahaan inta lagu guda jiro bisha Ramadaan oo Al-shabaab ay labo jibaaraan weerarada.
Ciidamada gaar ah ee fulinta qorshaha xasilinta caasimada ayaa howlgal ay xalay ka sameeyen degmada Dherkeenley ee gobolka Banaadir, waxaa ay ku soo qab qabteen hub iyo kooxo looga shakisan yahay in ay tirsan yihiin Al-shabaab sida ay warbaahinta u sheegeen qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda.
Howlgal ay xalay ciidamada xasilinta ka sameeyeen Degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir ayaa lagu soo qabtay hub badan iyo dad la tuhmayo, waxaa ayna ciidamada gurigiri u baarayeen xaafado katirsan degmada Dharkeenley.
Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay hub ay lahaayeen dad la tuhusan yahay iyo rag ku labisnaa dareyska dowladda, waxaan ay sidoo kale ciidamada qabqabteen dhalinyaro badan ay ku tuhmayeen in ay Al- Shabaab xubno ka yihiin inkastoo markii dambe baaris kaddib la sii daayay .
Kooxihii hubka laga dhigay ayeey ku wargaliyeen ciidamada ay tagaan taliska ciidanka isku dhafka ah ee kuyaala xarunta xisbiga si hubkooda loogu celiyo hadii uu sharciyeesan yahay ayna jiraan talis ay katirsan yihiin.
Howlgalada ciidamada xasilinta kawadaan magaalada Muqdisho ayaa lagu soo qabtay hub badan oo lagu dhax heestay magaalada Muqdisho, waxaana hada cabsi lasoo daristay dadka magaalada ku dhax heesta hubka aan sharciyeesneen .
warsom2011@gmail.com








