Friday, August 14, 2026
Alla ha u naxariista waxay  Daad uu qaaday Maayarka degmadda Xariirad ee gobolka Awdal Marxuun Abokor Xassan guuleed  kadib markii shalay makhribkii gaari ay la socdeen wafti xukuumadda ka tirsan uu daadkaasi qaaday. Weftigan uu maayarka geeriyooday la socday ayaa waxa ka mid ahaa wasirka ciyaaraha iyo dhalinyaradda Cabdirisaaq Waaberi...
Al shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday saldhig ay leeyihiin ciidanka dowladda Kenya oo ku yaalla meel u dhow magaalladda Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya. Weerarka waxaa uu ka dhacay degaanka Cumar-Jilacow oo aan ka fogeyn magaalladda Mandhere. Saraakiisha ciidanka dowladda Kenya, ayaa sheegay in aysan wax khasaara ah...
 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa maanta Ubax dhigay taalladda SYL ee magaalladda Muqdisho, halkaas oo lagu qabtay xuska SYL. Xubnaha golayaasha dowladda ayaa ku wehlinayay Ubax dhigista iyo munaasabadda xuska maalinta aas-aaska xisbigii gobanimo-doonka ahaa ee SYL. Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed u diray hambalyo...
 Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta hambalyo u diray dhamaan dhallinyaradda Soomaaliyeed, xuska munaasabadda 15-ka May awgeed. Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa dhinaca kale dhallinyaradda ugu baaqay in ay qaataan doorkooda ku aadan horumarinta dalka iyo nabadeynta guud ahaan dalka Soomaaliya. "Dalka hadda waxaa uu...
 Madaxweynaha maamulka Ahlusunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa maanta soo saaray wareegto uu ku magacaabayo taliyaal cusub, isagoona dhinaca kale sameeyay xil ka qaadid. Talisyadda uu magacaabay waxaa kamid ah, taliska ciidanka qeyta 21-aad, taliska ciidanka Birmad-ka iyo taliska ciidanka Madaxtooyadda DGGD. Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa ceyriyay taliyaal ciidan. Halkaan ka...
 Sanad kasta bisha May 15-keeda waxaa dalka Soomaaliya laga xusaa aas-aaskii xisbigii gobanimo-doonka ahaa ee  SYL, kaas oo ahaa kii ugu horeeyay ee dalka laga furo isagoo ay ku mideysanyihiin dhallinyaro. Maanta oo kale 15-kii bishii May sanadkii 1943-dii waxaa u suurtagashay 13-kii ee dhalinyarada Soomaaliyeed inay dhibada u taagan...
Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta fasaxday dhamaan shaqaallaha dowladda munaasabada 15- May awgeed, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta. "Annigoo ku hadlaya afka xukuumadda Soomaaliya, waxaa maanta la fasaxay dhamaan Shaqaallaha Dowladda Munaasabadda xuska 15-ka May awgeed”, sidaasi waxaa yiri Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan “Yariisow”. Dowladda Soomaaliya ayaa sanad...
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo dalka Qatar uga qeyb gallay shirweynaha caalamiga ah ee looga hadlayo iskaashiga dhinacyada xasilinta dhaqaallaha iyo siyaasadda ayaa ka jeediyay khudbad uu kaga hadlayo xaaladda guud dalka, gaar ahaan daruufaha jira, horumarka dalka iyo sida ay lagama maarmaan...
Maamulka Gobolka Gedo ee Soomaaliya, ayaa ka warbixiyay duqey ay diyaaradaha dowladda Kenya ay ka fuliyeen shalay dhul howd ah oo ku yaalla Gobolka Gedo. Diyaaradaha ayaa duqeyay degaanka Kedis oo 25km u jira magaalladda Garbahaarey ee Gobolka Gedo, sida mas’uuliyiinta degaanka ay sheegeen. “Ugu yaraan 17 dagaalyahano oo Al Shabaab...
Dadweynaha Somaliland, ayaa si weyn u hadal haya la wareegidda dekadda Berbera iyo saamiga cusub ee la sheegay in laga siiyey dalka Itoobiya. Heshiishkii hore dhaca ahaa ee golaha Wakiiladda ansixiyeen waxa lagu sheegay inay shirkadda shuraako ku noqon doonaan Somaliland iyo shirkadda DP wolrd, haseyeeshee waxa imika soo baxay...