50 ka tirsan maleeshiyaadka ururka Al-shabaab ayaa isu soo dhiibay dawladda Federaalka Soomaaliya, tan iyo markii madaxweyne Farmaajo ku dhuwaaqay cafiska loo fidiyey xubnaha kooxdaas, sida uu sheegay Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed
Wasiirka oo hoggaaminayay wafti kormeer ku tegay saldhigga ciidamada Laanta Buuro ayaa sheegay intii halkaasi joogay ay isa soo dhiibeen laba maleeshiyo oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab
“Maalmahan dad badan ayaa isa soo dhiibayay, laakiin, dhalinyarada maanta gacantayda ku soo wareejiyay waa labo.20-24 da’doodu u dhaxayso, waxay ka yimaadeen gandharshe oo u dhaxaysa marka iyo Jasiira, waxayna isu soo dhibaan ciidamadda dowladda ee laanta buura fadhiya”
Wuxuu sheegay in dhalinyaradu ay u sheegeen ciidamada inay u adkaysan waayeen dhibaatadda alshabaabku hayso shacabka Soomaaliyeed, oo ay sheegeen in xoolahooda ka qaadaan, qofkii diidana ay dilaan.




