Sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday hogaamiyayaasha Muslimiinta ee Africa in ay ku biiraan dagaalka ka dhanka ah xagjirnimada.
Rosa Malango, Isuduwaha Qaramada Midoobe ee dalka Ugnada, ayaa sheegtay haddii xagjirnimada aan si wanaagsan loo darsin, waxaa ay qatar ku tahay oo ay xakameyneysaa rajada horumarinta Africa ee...
Maanta magaalladda Muqishu waxaa ka dhacay kulan uu ka qeyb-galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Ibraahim Isaaq Yerow, kaas oo looga hadlayay horumarka illaa iyo haatan laga sameeyay qabyo-qoraalka Xeerka Isgaarsiinta Qaranka.
Kulankan waxaa ka soo qeyb-galay in ka badan 20 qof oo ka wakiil...
Hogaamiyaha maamulka Khaatumo Dr, Cali Khaliif Galeyr ayaa xalay soo gaaray magaaladda Hargeysa, waxaana uu ku soo degay Hoteelka Maansoor ee magaaladda.
Safarka Cali Khaliif Galayr ayaan la sii ogayn isla markaana mar kaliya lagu arkay isagoo Hoteelka sii galaya, waxaana ahayd wakhti habeenimo ah oo dadku baddi aanay arkayn,...
Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland ayaa markii ugu horeeysay ka hadashay mowqifkeeda ku aadan xildhibaannada magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya dhawaan kaga dhawaaqay madasha ay ugu yeereen “Hor u socod” taa oo bulshada Soomaaliyeed ay siyaabo kala duwan uga hadashay.
Madaxweeyne kuxigeenka 1-aad ee Jubaland Mudane Max’uud Sayid Aadan oo...
Ciidamada Badda ee wadamadda Libiya iyo Talyaaniga ayaa soo badbaadiyay ku dhowaad 5,000 oo muhaajiriin ah oo ku qaraqmay Badda Mediterranean sea ee u dhexeeysa labada wadan.
Howlgalka badbadinta ayaa waxaa la qaaday maalmihii khamiista iyo Jimcaha, sida saraakiisha ciidamada Badda ay sheegeen.
Khamiistii lasoo dhaafay 2,900 oo muhaajiriin ah ayaa...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u duulay magaalladda Riyadh ee caasimada dalka Sacuudiga.
Farmajo ayaa lagu wadaa in uu ka qeyb-galo shirka u dhexeeya wadamadda Islaamka iyo dowladda Maraykanka.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in kulamo uu la qaato madaxda kasoo...
Hay’adda QM u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR, ayaa sheegtay 39,390 oo Qaxooti cusub ah in ay gaareen dalka Itoobiy intii u dhexeysay 1-dii bishii Janaayo ilaa 15 Bishan May.
Qaxootiga gaaray dalkasi ayaa ka kala tagay wadamadda Soomaaliya iyo Koonfurta Sudan.
Dalka Soomaaliya ayaa warbixinta ay sheegtay in ay ka jirto...
Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump, ayaa maanta gaaray caasimadda Riyaadh ee dalka Sacuudi Carabiya.
Mr Trump, ayaa waxaa loo soo dhoweeyay si diiran, waana safarkisii ugu horreeyay ee uu dibadda ku tago tan iyo markii uu xafiiska la wareegay.
Trump ayaa maanta la kulmi doono boqor Salmaan, waxaana uu Axada beri...
Ciidamada dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xalay howlgallo xooggan ka sameeyay deegaanka Leego ee gobolka Shabellaha Hoose.
Howlgalka ayaa ujeedkiisa waxaa uu ahaa sidii amniga loo adkeyn lahaa, sida uu sheegay Guddoomiyaha degaankaasi Abukar C/laahi Isaaq.
“Ciidamada waxaa ay soo qabteen dad badan oo amni darro looga shakiyey balse markii ay...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed C/llaahi “Farmaajo” ayaa xafiiskiisa suray sawirka madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan “Aadan Cadde”.
Madaxweynaha ayaa sawirkiisa ku bedallay kan Madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya Allaha u naxariistee Aadan Cadde, waxaana arrintan ay noqotay mid dad badan soo jiidata, islamarkaana ku cusub...


















