Magaalada Boosaaso Oo Lagu Soo Bandhigey Rag La Sheegey In Ay Kasoo Goosteen DAACISH (Daawo Sawirada).

0
722


Sideed nin oo ka tirsanaa maleeshiyaadka ururka Daacish (ISIS) ee ka dagaalama Buuraha CalBari ee gobolka Bari  kuwaasoo  isu soo dhiibay dowladda Puntland ayaa lagu soo bandhigay Degmadda Bosaso ee xarunta gobolka bari ee Puntland, sida uu sheegay duqa degmadda Yaasiin Mire Maxamuud.

Ragan ka soo baxsaday ururka Daacish ayaa maamulka Puntland ku sheegay inay u badan yihiin  saraakiishii ururka Daacish, waxayna qirteen inay ka qaybqaateen dagaalo badan oo lagu soo qaaday Puntland, waxayna ka  dalbadeen dowladda  iyo shacabka Puntland  inay cafiyaan.

Duqa Degmadda Bosaso Yaasiin Mire  oo ka hadlay raga isa-soo dhiibay, wuxuu sheegay in dhalinyaradu ay qirteen inay khaldameen, oo ay hadda isu soo dhibeen ciidamadda Puntland.

“Laamaha amnigu waxay gacanta ku hayeen dhalinyaro ka soo baxsaday kooxda Daacish ee ka dagaalanta  bariga gobolkan bari, waxayna garowsadeen in khaldanaayeen, waxaanuna rajaynaynaa inuu kuwo kalena isa soo dhibaan” ayuu yiri duqa Bosaso

Faahfaahin dheeraad ah  dowladu kama  bixin  goorta ay isa soo dhiibaan, halka ay iska dhiibaan iyo sababaha ku kalifay inay ka soo baxaan ururka Daacish, waxaa kaloo dowladu ayan ka hadlin goboladda ay ka soo jeedaan iyo waxa uu  noqon doono mustaqbalkooda.

Maxkamadda Ciidamadda Qalabka sida ay bishii hore waxay sii daaysay dagaalyahano ka tirsanaa Daacish, kuwasoo maxkamadu ay sheegtay inaysan ku qancin eedaymihii xeer ilaalinta, waxayna taasi keentay in isku shaadhayn lagu sameeyo Garsoorayaasha  maxkamada ciidamadda oo xubno cusub loo magacaabay Maxkamada ciidamada 5ta gobola oo inta qaada dacwadaha la xiriira Al-shabaab iyo Daacish.