Maxaa ka jira wararka sheegaya in Gudoomiyihii Degmada Wadajir uu Geeryoodey DHaawac Qarax kasoo gaarey kadib?.

0
605

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku geeriyootey qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay xarunta degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa loo adeegsadey gaari bom lagu soo xirey kaas oo gudaha u galay xarunta, waxaana khasaare gaarey dhismaha xarunta degmada Wadajir. Qaar kamid ah dadkii ku sugnaa goobta ayaa warbaahinta u sheegay in ay indhahooda kua rkeen 9 qof oo meyd ah, waxaana ku dhaawacmey 15 qof oo kale oo la gaarsiiyey goobaha caafimadka.

Gaariga bomka lagu xirey ayaa ah nooca loo yaqaan Hoomey (Caasi) ee caanaha iyo khudaarta keena Muqdisho, waxaana gawaaridda khudaarta iyo kuwa caanaha lagu dhex canshuuraha gudaha xarunta degmada, Gaariga  bomku ku xirnaa ayaa laga soo buuxiyey khudaar.

Dhismaha xarunta wadajir oo burburtey

Guddoomiyaha degmada Wadajir Cumar Cabdulaaahi Xasan ayaa wararku sheegayaan in dhaawac fudud gaarey. Wasiirka Amniga gudaha Ducaale ayaa  ka hadley jidad dhawaan la xirey, kadib weerarkii Pizza House lagu qaadey, waxaana wararku sheegayaan in Dowladdu heshay warar sheegaya in al-Shabaab weeraro kale soo wadaan. Waa weerarkii labaad ee ka dhacay Muqdishi tan iyo markii ay bilatey bisha Ramadaan.

Ururka al-Shabaab ayaa sheegtey masuuliyadda weerarkaas, waxaana laga baahiyey idaacadda ku hadasha afka al-Shabaab ee Andulus.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dhaawaca Gudoomiyaha soo gaarey uu u geeryoodey wallaw aan wali la xaqiijin warkaas,iyadoo wararkeena danbe aad ka heli doontaan wixii warar ah ee la xiriira geerida Gudoomiyaha.

warsom2011@gmail.com