Wararka laga helaayo gobolka Gedo waxaa habeenkii labaad ka dhacay duqeyn ay geysteen diyaarado dagaal.
Dad ku dhaw deegaanada la duqeeyey ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in duqeynta ayaa ka dhacdey deegaano lagu magacaabo Kabis iyo Sunuje oo waqooyi uga beegan xarunta Gedo ee Gabahaarey.
Lama oga diyaaradaha weerarka fuliyey dalka iska leh waxaase horey duqeyn uga geystey isla deeganaadaas diyaaradaha dagaalka ee ciidanka KDF ee dalka Kenya. Kenya weli kama hadlin mana sheegan in ay wax duqeyn ah fulisey.
Lama oga khasaaraha ka dhashey duqeyntan oo la sheegayo in lagu bartilmaameedsadey saldhigyo ay leeyihiin ururka al-Shabaab.
Dowladda federaalka ayaan iyaguna hadlin duqeynta ka dhacdey gobolka Gedo.
warsom2011@gmail.com








