Tuesday, August 25, 2026
Hoggaamiyaha Kooxda TPLF Debretsion ayaa Qaramada Midoobey u diray Warqad uu ku dalbanayo in Qaramada Midoobey ay soo kala dhex gasho iyaga iyo dowladda Itoobiya. Warqadda Debretsion u diray Qaramada Midoobey oo ku taariikhsanayd 7, September 2022 ayuu kaga hadlay qodobo ay kamid yihiin xabbad joojin iyo in xal waara...
Madaxweynaha la doortay ee Kenya, William Ruto oo wareysi siinayay warbaahinta laga leeyahay dalka Maraykanka ee CNN ayaa sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay inay la shaqeyso madaxweynaha  Soomaaliya si loo xalliyo xasaradaha ka taagan geeska Afrika oo dhan. Ruto oo madaxweyne ku xigeen usoo noqday Uhuru Kenyatta ayaa...
Isku duwaha gargaarka degdega ah ee Qaramada Midoobay, Martin Griffiths, ayaa ka digay in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay macluul, taasoo uu sheegay inay wacan tahay abaartii ugu xumayd ee dalka soo marta afartan sano kadib. Hal milyan iyo bar carruur ah oo ku nool Soomaaliya ayaa wajihi doona...
Maxkamadda sare ee Kenya ayaa xukuntay in William Ruto si sax ah loogu doortay madaxweynaha, iyadoo meesha ka saartay dacwado dhowr ah oo la doonayay in lagu baabi'iyo natiijadii doorashadii 9-kii Ogosto. Ninka la tartamaya, Raila Odinga, ayaa ku eedeeyay guddiga doorashada in ay dhacday wax isdaba marin ballaaran, oo...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan Muqdisho kula qaatay ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bani'aadamnimada iyo gargaarka degdegga ah ee OCHA, Martin Griffiths. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagay Martin Griffiths qorsheyaasha dowladda ee ku aaddan wax ka qabashada arrimaha bani'aadamnimada, iyo saameynta...
Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaalkii ka socday Waqooyiga Itoobiya uu sii xoogaystay, kaddib markii sida la sheegay ay dagaalka kusoo biireen Ciidamada Eritariya oo garab siinaya kuwa Itoobiya. Sida uu sheegay Afhayeenka TPLF Getachow Reda, Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritariya ayaa si wada jir ah waxay...
Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in habeenkii xalay ahaa duqaymo culus loo gaystay magaalada Maqale ee xarunta gobolka Tigray. Wali lama ogaan khasaaraha ka dhashay duqeyntan, balse Afhayeenka TPLF Getachow Reda ayaa xaqiijiyay in diyaarad Drone ah ay xalay duqeyn u gaysatay magalada Maqale ee xarunta gobolka Tigray. Getachow...
Kooxda TPLF ayaa ugu baaqday dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Itoobiya in aysan qeyb ka noqon colaadda kasoo cusboonaatay waqooyiga Itoobiya. Afhayeenka Kooxda TPLF, Getachew K. Reda ayaa sheegay in dagaalka todobo cishe kahor ka qarxay waqooyiga Itoobiya haddana socda uu yahay dagaal lagu qasbay ayna difaacayaan aayahooda. Getachew K. Reda ayaa...
Afhayeenka kooxda TPLF Getachow Reda ayaa beeniyay wararka sheegaya in ciidamadoodu ay qabsadeen magaalada Weldiya oo ku taalla gobolka Amxaarada ee ay deriska yihiin Tigray. Maalinimadii shalay ayay warbaahinada qaarkood waxay tabiyeen in magaaladan Waldiye ay qabsadeen kooxda TPLF, balse warkaa waxaa beeniyay Getachow Reda, Afhayeenka kooxda TPLF. Sidoo kale dowlad...
Sanadkii 1991-kii ayuu Cali Mahdi Maxamed noqday Madaxweynihii Soomaaliya kaddib markii ay xilka laga tuuray Maxamed Siyaad Barre oo 21 so xukumayay dalka. Cali Mahdi - oo Alle ha u naxariistee Arbacadii ku geeriyooday magaalada Niarobi ayaa xilka ugu sarreeya waddanka Soomaaliya qabtay xilli uu socday dagaal sokeeye oo xooggan. Wuxuu...