Tuesday, May 26, 2026
Ururka Taliban ee ka dagaalama dalka Afghanistan ayaa maanta weerar ku qaaday saldhiga booliiska magaalada muhiimka ah ee Sangins, sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Afgaanistaan. Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya cida gacanta ku haysa maammulka degmada Sangins oo ku taalla gobolka Helmand, iyadoo guddoomiyaha gobolkaas & booliisku...
Hay’adda Amnesty International ayaa ku sheegay warbixin ay kaga hadlaysay xaaladaha dalka Burundi in ciidamada ammaanka dalkaas ay si xeeladeysan u dileen tobaneeyo qof oo shacab ah intii ay socdeen rabshadihii 11-kii bishan ka dhacay magaalada Bujumbura ee xarunta Burundi. Amnesty ayaa warbixinteeda ku xustay in qaar ka mid ah...
War-saxaafadeed maanta kasoo baxay xafiiska RW dalka Jabuuti, C/qaadir Kaamil Maxamed ayaa looga hadlay rabshidihii ka dhashay shalay xaafadda Balbala ee magaalada Jabuuti. Qoraalka ayaa lagu xusay in rabshadihii shalay dhacay ay ahaayeen kuwo lagu doonayo in carqalad lagu geliyo ammaanka dalka Jabuuti, iyadoo lagu sheegay war-saxaafadeedka inay soo abaabuleen...