Tuesday, April 21, 2026
Ciidanka amniga Galmudug ayaa maanta soo bandhigay dhisme ay sheegeen  inay degganayeen raggii fuliyay weerar Isniintii toddobaadkan lagu qaaday xarun uu Koonfur magaalada Gaalkacyo ka degganaa Waddaad lagu magacaabo Cabdiwali Cali Calmi Yare. Taliye ku-xigeenka Ciidammada Booliska Galmudug,Cabdi Jaamac Cabdulle (Xabeeb) ayaa sheegay in gudaha guriga ay ku arkeen raadad...
Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo booqashadii ugu horreeysay ku tagay magaalada Dhahar ayaa maanta dhagaxdhigay dhowr mashruuc oo deegaanka lagu horumarinayo. Ugu horrayn, madaxweynaha Puntland ayaa dhagaxdhigay 100 guri oo loo dhisayo dadka barakacayaasha ah ee xooluhu kaga dhamaadeen abaaraha iyo shacab kasoo jeeda Puntland oo kasoo barakacay...
Ardayda Jaamacadda Gaarisa ee dalka Kenya qaarkood ayaa maanta oo Isniin ah dib u billaabay waxbarashadoodii, kaddib sagaal bilood oo hakad ay ku jirtay waxbarashada Jaamacadda, xilligaasoo xoogag ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Jaamacadda ayna ku dileen 148-arday oo arday u badnaa. Waxaa si aad ah loo adkeeyay...
Kulan ay isugu yimaadeen wasiiradda arrimaha dibadda ururka Jaamacadda Carabta oo ka dhacay magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar ayaa lagu cambaareeyay jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, iyagoo dhanka kalena taageeray tallaabadii Sacuudigu xiriirka ugu jartay Iiraan. Guddoomiyaha ururka Jaamacadda Carabta, Nabiil Al-Carabi ayaa ku eedeeyay Dowladda Iiraan inay waddo...
Madaxweynaha Somaliland Axmed Max'ed Siilaanyo ayaa maanta khudbadiisii sannadlaha ahayd ka hor jeediyay labada gole ee Wakiillada iyo Guurtidda, isagoo khudbadiisa kusoo qaatay qodobo ay ka mid yihiin; siyaasadda arrimaha Dibadda, Wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya, Diiwan-gelinta iyo Doorashooyinka, Qiime-dhaca ku yimid shilinka Somaliland, adkeynta amniga, maamul-wanaaga, garsoorka iyo cadaaladda. Khudbaddaan...
Nabaddoon Shuuriye Xuseen Xaayoow oo odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ka mid ah, isla markaana ah guddoomiyaha odayaasha dhaqanka mid ka mid ah beelaha dega gobolka Hiiraan ayaa Warbaahinta u sheegay in ay qaadaceen ka qayb-galka shirka degmada Jowhar ee lagu dhisayo maamulka labada gobol Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe. Nabadoon Shuuriye...
Kulammo loogu duceynayay ALLAHA u naxariistee Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo todobaadkii lasoo dhaafay ku geeriyooday magaalada Baladweyne ayaa siyaabo kala duwan loogu qabtay magaalada Minnesota ee Mareykanka iyo magaalada Den-Haag ee dalka Netherland. Kulankii lagu qabtay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, waxaana kasoo qayb-galay Culummada, odayaasha-dhaqanka, Aqoon-yahanno, dumar iyo xubnaha...
Isbahaysiga haya Talada Jabuuti ee UMP ayaa xalay u doortay madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle inuu yahay musharraxa ugu qayb-galaya tartanka doorashada madaxweynennimo ee dalka Jabuuti ka dhici doona sannadkan 2016-ka. Dhawaan ayaa Madaxweynaha Jabuuti sheegay inuu doonayo in hoggaanka Jabuuti uu mar kale isku soo taago, isagoo xilka Jabuuti...
Sadexda Xisbi ee Somaliland & gudiga doorashooyinka ayaa maanta kala saxiixday xeerka hab-dhaqanka (code of conduct) ee diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha iyo doorashooyinka. Saddexda Xisbi ayaa soo dhaweeyey Xeerkaan Hab-dhaqanka Diiwaan-gelinta cod-bixiye-yaaashu u socon doonta, isla markaana ku wada shaqayn doonaan saddexda xisbi qaran iyo guddida doorashooyinka taas ay soo diyaarisay Akadamiga...
Guudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka iyo saraakiil ka tirsan AMISOM ayaa kulan la qaatay madaxa xafiiska siyaasada QM, Magnus Bjarnason. Kulanka oo la dhacay xafiiska QM ee magaalada Beledweyne ayaa waxaa goob joog ka ahaa taliyaha ciidammada Jabuuti ee qeybta...